Sheekh Mahad Warsame Abu Cabdiraxman oo kamida qiyaadada sare ee Xarakada Mujahidiinta Al-Shabaab ayaa jeediyay kalimad ku saabsan munaasabada ciidul fidriga, taas oo uu ku dul istaagay dhinacyo badan oo qusaysa jihaadka ka aloosan gayigeena, ugu horayn wuxuu hambalyada ciida u diray dhamaan umadda muslimiinta meel kasta oo ay ku sugan yihiin.
Kalimadan ayuu Sheekhu kusoo hadal qaaday guulaha waawayn ee uu Allaah gaarsiiyay muslimiinta, isagoo tilmaamay in futuuxaadkan ay casharo iyo cibrooyin ugu sugan yihiin dadka muslimiinta ah, wuxuuna sheegay in dagaaladan ay banaanka keeneen xaqiiqada dhabta ah ee uu ku qotomo loolanka ka aloosan geeska Afrika.
“Shalay haday dad badan ku wareersanaayeen jihaadka geeska Afrika iyo ciday la dagaalamayso mujaahidiinta Al-Shabaab, maanta waxaa marag madoonto ah in gaalada caalamka oo nooc walba iskugu jira ay iskusoo bahaysteen duulaanka dalkeena iyo siday u damin lahaayeen nuurka Allaah” waxaa sidaas yiri Sheekh Mahad warsame Abu Cabdiraxmaan, isagoo intaas raaciyay in ay galadu ku jabeen duulaankaas.
Wuxuu dhanka kale, carabaabay dawladdaha iskusoo bahaystay la dagaalanka nuurka Islaamka, wuxuuna sheegay in dawladahaas ay kamid yihiin Saliibiyiinta xabashida Itoobiya, Kenya, Ugandha, Burundi, Maraykan, Ingriiska, dawladaha midowga Yurub, midowga Afrika iyo midowga NATO oo ay hor kacayso xukuumada Turkiga.
Markuu halkaas marayay ayuu Sheekhu Su’aal waydiiyay umadda Soomaaliyeed, isagoo yiri “Maxaa kulmiyay intaas oo dawladdood kuna kulmiyay dagaalka ka socda dalka Soomaaliya”? wuxuuna sheegay inay tahay oo kaliya Islam nacayb iyo la dagaalanka shareecada Allaah.
Sheekhu wuxuu umadda Soomaaliyeed ugu baaqay inay ku baraarugaan dagaalka kasocda dalka, wuxuuna sheegay in dagaalkan uu u dhaxeeyo xaqa iyo baadilka, kitaabka iyo sunnada.
Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu dul istaagay xaqiiqada Labaad ee ay soo ifbixiyeen dagaalada ka socda gayigeena Soomaaliyeed, wuxuuna sheegay in hub, hanti, tiro iyo tiknoolojiyad aan guul lagu gaarayn, balse guushu ay tahay mid uu Allaah bixiyo uuna ku manaysto adoomadiisa saalixiinta ah.
“Mujaahidiintu ayagoo AK-47 kaliya haysta, waxay maanta dagaal kula jiraan dawladaha aduunka ee isku tilmaamay inay yihiin “Al-Quwal Cudma” ee haysta ciidamada ugu tirada badan, dhaqaalaha ugu hormarsan, gantaalada ugu ridadda dheer, dabaabaadka, diyaarado, dayax gacmeedyo, awooda Nukliyeerka iyo hubka ugu casrisan, hase ahaatee Allaah fadligiis waxba way ka qaadi waayeen mujaahidiinta sababtoo ah, awoodooda waxaa ka sareeya awooda Allaah SWT” ayuu yiri Sheekhu isagoo kalamadiisa sii wata.
Isla arrintan isagoo sii faahfaahinaya ayuu soo hadal qaaday dhalinyaradii Maraykankan iyo NATO ku jabisay Soomaaliya 1993-dii, wuxuu sidoo kale carabka ku dhuftay dagaaladii lagu jabiyay Xabashida ee ka dhacay gobalka Gedo 1997-dii, iyo kuwii ka dhacay magalada muqdisho 2006-dii, isagoo intaas ku daray in dalinyaradaas ay maanta kaabiga ku hayaan caasimada dalka ee Muqdisho.
Arrinka sadexaad ee xaqiijinaya jabka huwanta ayuu Sheekhu ku sheegay intahay, beegsiga indha la’aanta ah ee lagu hayo marasta iyo maatida muslimiinta ee ku dhaqan wilaayaadka Islaamka, taas ayuuna ku tilaamay inay damiir xumo ku tahay xukuumada fadaraalka ee fadhigeedu yahay magalada Muqdisho, kaddib markii ay ku taageertay dawladda xabashida ah ee Itoobiya duqaymaha laayaanka ah ee ay ku laynayso dumarka iyo caruurta.
Sidoo kale wuxuu xusay ahadaafta ay maanta mujaahidiintu u dagaalamayaan, taas oo ah in ay ku doonaya raali ahaanshaha Allaah, hirgalinta shareecada Raxmaanka, xoraynta dhulalka muslimiinta, soo furashada dadka muslimiinta ah ee ku jeebaysan xabsiyada cadowga.
Sheekha ayaa baaqdheer u diray dhamaan qaybaha bulshada, wuxuuna ugu dardaarmay in ay ka qayb qaataan jihaadka ka socda dalkooda, garabna ku siiyaan wiilashooda hardanka addag kula jira shisheeyaha iyo kabo qaadkooda, si dalka looga difaaco gaalada xabashida ah ee Itoobiya.
Wuxuu sidoo kale baaq u diray dadka ku jira safka cadowga ee ku kadsoomay balanqaadyada beenta ah ee dawladda fadaraalka, isaga oo ugu baaqay inay Allaah u toobad keenaan oo ay isagasoo baxaan gaalnimada ay ku jiraan.
Qaybihii dambe ee kalmada ayuu Sheekhu dhanbaal qaaliya ugu diray ciidamada mujaahidiinta ee ku sugan furimaha kala duwan ee dalka, wuxuuna ku boogaadiyay nafhurka, dhiiranaanta, daafaca iyo adkaysiga ay ku hortaagan yihiin cadowga, isaga oo tilmaamay in uu Allaah ku dharqabtay dalkeena juhdiga iyo dadaalka ay bixinayaan ciidamadaas isku dhaarsaday daafaca diinkooda, dadkooda iyo dalkooda, wuxuuna carabka ku adkeeyay in mujaahidiintu sii laba jibaaraan gulufka ay ku la jiraan cadowga Allaahna waydiistaan thabaat iyo sugnaansho.
Ugudambayntii wuxuu tacsi u diray dhamaan ehelada dadkii ku shahiiday duqaymaha uu cadowga ka fuliyay gobalada dalka, wuxuu sidoo kale u duceeyay dadka muslimiinta ah ee ku dhibataysan Qaza, Turkistan Sharqiyah, hindiya, Kashmiir, Borma iyo meel meelkasta oo ay muslimiintu ku dhibaataysan yihiin.