Waxaa xabsi ku yaalla magaalada Abha ee dalka Sucuudi Carabiya ku geeriyooday, Sheekh Qaasim Al-Qathradi oo kamid ahaa culimada Muslimiinta ee ku xirana xabsiyada uu gacanta ku hayo maamulka Aala-Sucuud.
Sheekha Qaasim Al-Qathradi ayaa la xiray sanadkii 2021-ka, asaga oo kamid ahaa culimada muslimiinta ee sida gardarada ah ugu jiray xabsiyada qoyska Aala-Sucuud.
Boqortooyada Sucuudiga ayaa xabsiyada ka buuxiyay boqolaal culimo, arday iyo aqoonyahanno ah oo ka hor yimid siyaasaddaha qalooca ee boqortooyada.
Sidoo kale, Sucuudiga ayaa marar badan dil toogasho ah ku xukumay qaar kamid ah cullimada islaamka ee ka runta sheegay xaqa.