Shiinaha oo uga Digay Muwaadiniintiisa inay u Safraan Mareykanka Sababo Amni Awgeed.

15
0

Xukuumadda Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping ayaa ku boorisay muwaadiniinteeda inay si taxadar leh uga fiirsadaan ka hor inta aysan u safrin Mareykanka, iyadoo ballaarisay jawaabta Beijing ay ka bixineyso canshuur kordhinta maamulka Trump.

“Marka la eego xiriirka ganacsi ee sii xumaanaya ee u dhexeeya Shiinaha iyo Maraykanka iyo walaaca dhinaca ammaanka ee Maraykanka, Wasaaradda Dhaqanka iyo Dalxiiska waxay kula talisay muwaadiniinta Shiinaha inay si taxadar leh u qiimeeyaan khatarta ka dhalan karta inay u safraan Maraykanka oo ay taxaddar muujiyaan,” ayay Wasaaradda Dhaqanka iyo Dalxiiska ee dalkaas ku tiri ogeysiis digniin ah oo xalay la soo saaray.

Dhankeeda, Wasaaradda Waxbarashada ee Shiinaha ayaa sidoo kale ku boorisay ardayda dalkaas inay qiimeeyaan khataraha amni ee la xiriira wax-barashada ay u aadaan qaar kamida gobollada Maraykanka, iyadoo soo xiganaysa sharci cusub oo laga ansixiyay gobalka Ohio ee cariga Mareykanka.

Wakaaladda wararka ee Bloomberg News ayaa ku warantay, in tallaabadan ay timid kadib markii Beijing ay mar kale ka aargoosatay canshuuraha cusub ee uu ku soo rogay madaxweyne Donald Trump, iyadoo ku dhawaaqday inay canshuur boqolkiiba 84% ah ku soo rogi doonto dhammaan badeecadaha laga keeno Mareykanka, taasoo dhalisay jahwareer xagga suuqa ah iyo sii xoojinta dagaal ganacsi ee u dhexeeya labadan waddan ee ugu dhaqaalaha badan adduunka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here