Shil baabuur ayaa ka dhacay dalka Indonesia gaar ahaan gobalka Java, shilkan oo uu sababay gaari xamuul ah oo bareega goosta ayaa dhacay xalay ku dhawaad saqdii dhexe, wuxuuna geestay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.
Sida ay sheegtay Desiana Kartika Bahari oo ah madaxa xafiiska samatabbixinta ee magaalada Jakarta, ayaa sheegtay in shilku uu ka dhacay agagaarka Ciawi Toll Gate wax yar ka hor saqdii dhexe ee xalay.
Waxa ay sidoo kale sheegtay, in shilkaasi uu ka dhashay gaari nooca xamuulka qaada ah, kaas oo la kulmay cilad dhanka bireega ah, waxayna keentay in ay isku dhacaan labo gaari oo ku sugnaa halka loo yaqaan Toll-ga.
“Shilkan ayaa waxaa ku dhintay 19 qof, halka ay ku dhaawacmeen 11 qof oo qaba dhaawacyo halis ah. Dhammaan dhibbanayaasha ayaa loo gudbiyay xarumaha caafimaadka ee magalaadaas” ayay tiri Desiana oo khadka taleefanka ugu warantay warbaahinta.