Shil Baabuur oo Sababay Dhimasho iyo Dhaawac oo ka Dhacay Dalka Afqanistaan.

25
0

Shil ay ku dhinteen kuna dhaawacmeen dad rakaab ah ayaa ka dhacay dalka Afqanistaan, gaar ahaan gobolka Wardak ee bariga dalkaas, sida ay ku warrantay warbaahinta gudaha ee Imarada Islaamiga ah ee Afqanistaan.

Wararka ayaa sheegaya in shilkan uu ka dhacay waddada dheer ee isku xirta caasimadda Kabul iyo koonfurta gobolka Qandahaar, kaddib markii ay isku dhaceen labo baabuur oo kuwa rakaabka ah, waxaana ku dhintay 4 qof oo ay ku jirto haweeney, halka 10 kalena ay ku dhaawacmeen.

Wararka ayaa intaa ku daraya in dadka dhaawaca ah loo qaaday isbitaalada gobolka, si halkaasi loogu dabiibo, iyadoo qaarkood ay qaabaan dhaawacyo culus.

Horaantii bishan Febraayo ayay ahayd markii sidan oo kale shil baabuur oo ka dhacay bariga gobolka Ghazni ee dalka Afgaanistaan ay ku dhinteen 2 qof oo rakaab ah, halka ay ku dhawacmeen 5 kale.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here