Shil Diyaaradeed oo ay Ku Dhinteen Dhamaan Rakaabkii Saarnaa oo ka Dhacay Gudaha Mareykanka.

7
0

Dalka Mareykanka ayaa waxaa maanta ka Dhacay shil diyaaradeed oo galaaftay noolasha dhamaan rakaabkii saarnaa diyaaradda, kuwaas oo tiradooda lagu sheegay afar ruux.

Diyaaradan oo kamid ahayd nooca yar-yar ee halka matoorka leh ayaa si lama filaan ah ugu dhacday fiilooyin koronte oo marayay halka uu shilka ka dhacay, taas oo keentay inay gabi aahanba soo dhacda oo ay burburta.

Bishaan kaliya waxaa gudaha Mareykanka ka dhacay dhowr shilal oo galaaftay noolasha dad aad ufara badan, iyadoo dadka ay cabsi xooggan ka dareemayaan badqabka duulimaadyada hawada ee dalkaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here