Dalka Maraykanka ayaa lagasoo sheegayaa, in diyaarad gaar loo leeyahay ay ku burburtay magaalada San-tiyaago ee gobolka Kalifoorniya, taas oo sababtay dhimashada dhowr qof sida ay xaqiijiyeen masuuliyiinta dalkaas.
Diyaaradan ayaa kaddib markii ay soo dhacday shiidaal ay siday ku daadisay waddo mashquul badan oo ku taalla magaalada San-diyaago, taas oo ugu dambayntii keentay in uu dab qabsado gaadiid badan oo labada dhinac ee waddada marayay.
Shilkan ayaa sidoo kale sababay dab xooggan oo qabsaday in kabada 10 guri oo ka agdhawaa goobta ay diyaaradu ku dhacday, diyaaradahan gaarka loo leeyahay ayaana inta badan loo adeegsadaa safarrada ganacsiga, kuwaas oo mudooyinkan dambe shilal badan ku galay gudaha dalka Maraykanka.