Shil gaari ayaa sababay dhimashada wax kabadan Shan qof, halka ku dhawaad Toban kalana ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo ay ku jiraan caruur iyo haween la socday gaariga rogmaday oo maryay dhul buuraley oo ku yaalla bartamaha dalka Yemen.
Dadka deegaanka ayaa sheegay, in lix ruux ay ku dhinteen, sagaal kalena ay ku dhaawacmeen, kadib markii gaari uu ku rogmaday wado marta dusha sare ee buur ku taalla deegaanka Al-Jaashin ee Koonfurta Gobolka Ibb.
Gaariga shilka galay ayaa ahaa nooca Hilux-ka, kaas oo ay saarnaayeen dad rakaab ah oo ka baxay wadada Al-Raasi ee deegaanka Al-Jaashin, waxaa sidoo kale kamida dadka shilka ku dhintay darawalkii gaariga waday.
Dadka ku dhaawacmay shilkan ayaa loo gudbiyay xarumaha caafimaadka ee gobalkaas, iyagoo 9-ka qof ee dhaawacmay ay 7 kamid ah yihiin dhaawacyo halis ah, waxayana dadka deganku xuseen in dadka dhintay ay u badan yihiin kuwo ka kala yimid Tuulada Xadqat iyo Tuulooyinka Al-Aqiira iyo Al-Wasr oo ka tirsan Degmada Sufal oo dhanka koonfureed ka xigta gobalka Ibb.