14 ruux oo Pakistani ah ayaa geeriyooday xilli ay ka soo laabteen xaflad aroos ah fiidnimadii Talaadada, kaddib markii baskii ay la socdeen uu ku dhacay wabi ku yaalla dhul buuraley ah oo katirsan dalka Pakistan, sida ay sheegeen kooxaha gargaarka oo weli baadigoobaya dadka la la’yahay.
Sarkaalka ku guda jira badbaadinta dadka ku waxyeeloobay dhacdada, ayaa usheegay wakaaladda wararka ee France-Presse, in Baska ay saarnaayeen 25 qof, ayna kasoo badbaaday haweenaydii caruusadda ahayd oo kaliya, Ilaa iyo haddana waxaa la helay meydka 14 ruux, halka toban ruux oo kalana weli la la’yahay.
Baska ayaa ku sii jeeday gobolka Punjab, booliisku waxay carrabka ku dhufteen in qadar Alle kaddib ay sabab utahay shilkaan xawliga loo waday baska.