Shirkada TikTok oo Lagu Wadaa Inay Shaqadeeda Dib u Bilowdo Kaddib Caleemasarka Donal Tramp.

28
0

Shirkada TikTok ayaa shalay axadii sheegtay in adeegyadeeda Maraykanka ay dib u soo kabanayaan kaddib markii madaxweynaha la doortay ee Donald Trump uu sheegay in uu ogolaan doono in shirkadani ay dib u bilaabi doonto shaqadeeda kaddib marka maalinimada Isniinta loo dhaariyo xilka madaxwaynanimada.

Hadalkan ayaa imaaday kaddib markii shirkadan laga xiray guud ahaan dalka Maraykanka, taas oo ah aplikashanka loogu isticmaalka badan yahay baraha bulshada caalamka.

Shirkada Tik Tok ayaa war qoraal ah oo ay soo saartay ugu mahadcelisay Trump, sidii uu u caddeeyey dammaanad qaadka adeeg bixiyayaashayada in aysan wajihi doonin wax ciqaab ah, taas oo horay loo sheegay In shirkada TikTok lagusoo rogi doono bixinta  in ka badan 170 Milyan oo  Doolar.

App-kan ayaa isticmalkiisa laga joojiyay dalka Mareykanka dabayaaqada maalinimadii sabtida, kahor inta uusan dhaqan gelin sharciga lagu xiray app-kan, kaas oo ahaa sababo amniga dalka Maraykanka lagu ilaalinayo, Saraakiisha Mareykanka ayaa ka digay in illaa iyo inta app-ka uu ka sii shaqaynayo gudaha dalka Maraykanka gacantana ay ku hayso shirkad laga lee yahay dalka Shiinaha ay jirto khatar ah in xogta dadka Amerikanka ah si khaldan loo isticmaalo.

Trump ayaa sheegay, in uu kordhin doono waqtiga xayiraada ee la saaray shirkadan, ka hor inta aan la dhaqan gelin sharciga cusub ee App-ka, si loo gaaro heshiis lagu ilaalinayo amniga dadka Amerikanka ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here