Shirkadaha Diyaaradaha ee Mareykanka oo joojiyay in ka badan 1,300 oo Duulimaad Dabaylaha Jiilaalka awgood.

2
0
LOUISVILLE, KENTUCKY – JANUARY 5: Snow-covered vehicles sit parked near Louisville Muhammad Ali International Airport on January 5, 2025 in Louisville, Kentucky. Local forecasts called for heavy snowfall followed by significant accumulation of freezing rain and ice. Luke Sharrett/Getty Images/AFP (Photo by LUKE SHARRETT / GETTY IMAGES NORTH AMERICA / Getty Images via AFP)

Shirkadaha diyaaradaha ee dalka Maraykanka ayaa manta joojiyay, in ka badan 1,300 oo duulimaad, sababo la xiriira duufaanta jiilaalka oo ku dhufatay gooba badan oo katirsan dalka, taas oo ay lasocdaan baraf iyo qabow aad udaran, halka kulaylka uu gaaray darajadii ugu hoosaysay.

Shabakadda dabagalka duulimaadka ee FlightAware ayaa sheegtay in wadar ahaan 1,306 duulimaad la joojiyay, halka 414 na dib loo dhigay, sida ay ku warantay Reuters.

Shirkadaha diyaaradaha oo ay ku jiraan Southwest, American, United iyo Delta ayaa sidoo kale soo saaray digniino ku saabsan inay duulimaadyada saameeyaan  duufaanta.

Maamulka Duulimaadyada Federaalka ee Mareykanka ayaa Jimcihii ka digay, in dabeylo xooggan ay saameyn ku yeelan karaan socdaalka gobollada Waqooyi-Bari iyo Bartamaha bad-waynta Atlantigada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here