Shirkadaha diyaaradaha ee Yahuudda ayaa hakiyay duulimaadyadii Paphos sababo amni oo aan la cayimin,

45
0

Diyaarado ay  Leeyihiin Yuhuudda oo ay ku jiraan El Al, Arkia, iyo IsraAir, ayaa lagu amray Shin Bet (Hay’adda Ammaanka Yahuudda) inaysan u duulin Paphos ee Qubrus Axadda, sida ay sheegtay warbaahinta Yahuudda.

Sida laga soo xigtay N12, saddexda shirkadood waxay xaqiijiyeen in dhammaan duulimaadyadii Paphos la joojiyay “sababo ammaan oo aan la shaacin karin.” Intaa waxaa dheer, wakiilka Shin Bet ayaa u sheegay N12 in duullimaadyada dib loogu celin doono garoonka diyaaradaha ee Larnaca.

Rakaabkii la rabay inay u duulaan Paphos ee diyaaradaha Yahuudda ayaa u sheegay warbaahinta Yahuudda inay heleen ogaysiis ku saabsan in la baajiyay ama loo weeciyey Larnaca.

Sida laga soo xigtay Ynet, rakaabka looma diidin inay si madax bannaan ugu safraan Paphos ka dib markii ay ku degeen Qubrus.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here