Shirkadaha Isgaarsiinta iyo Bankiyada Soomaaliya oo u Hogaansamay Amarka Xarakada Alshabaab.

50
0

Bayaan ay si wada jir ah u soo saareen shirkadaha isgaarsiinta iyo Bankiyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ay si wada jir ah u joojiyeen qaadista canshurta ay dowlada Xasan Sheekh ay ku soo kordhisay shacabka Soomaaliyeed.

Arintaan ayaa imaanaysa ka dib markii xarakada Alshabaab ay ku dhawaaqday in ay talaabo adag ka qaadayso shirkadaha iyo bank yada u hogaansama amarka dowlada federaalka Soomaaliya ee ku kordhisay canshuurta.

Afhayeenka xarakada mujaahidiinta Alshabaab, Sheekh Cali Dheere.

“Waxaan shacabka Soomaaliyeed ku wargelinaynaa inay muddo hal isbuuc ah, oo ka billaabanaysa berri ay oo taariikhdu tahay 22 Safar 1446H oo ku beegan 26 Agoosto 2024, hantidooda kagala baxaan bangiyada iyo shirkadaha fududeynaya boobka lagu bililiqeysanayo hantida bulshada, waxaan dadweynaha u sheegeynaa in haddii ay mudadaas ugala bixi waayaan hantidooda ay iyagu qaadayaan mas’uuliyada wixii ka yimaada arintaa iyada ah.” Ayuu yiri afhayeenka xarakada Alshabaab Sheekh Cali Dheere.

Dallad ay ku midoobeen shirkadaha isgaarsiinta iyo Bankiyada Soomaaliya ayaa maanta oo Axad ah soo saaray warsaxaafadeed ay ku sheegayaan in aysan saami ku laheyn lacagaha Canshuurta (Baadda ah) ee ay uqaadaan dowladda Xasan Sheekh.

“Bangiyada iyo Shirkadaha Isgaarsiinta Soomaaliyeed waxa ay caddeynayaan in aanay jirin cid ay kula shirkoobeen ama ay faa’iido-wadaag kula noqdeen, ama ay hadda kula yihiin canshuuraha laga qaado ama horay looga qaaday shakhsi ama ganacsi.” Ayaa lagu yiri war-saxaafadeed si wada jir ah u soo saareen shirkadaha isgaarsiinta iyo Bankiyada Soomaaliya.

Go’aanka ay gaareen shirkadaha isgaarsiinta iyo Bankiyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay mid guul u ah shacabka Soomaaliyeed ee la dhibaataysan dowlad xumada.

Dhanka kale, dadka taageera dowlada federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in go’aanka ay qaateen shirkadaha isgaarsiinta iyo Bankiyada Soomaaliya ay ka tarjumayso awooda maamul iyo saamaynta xarakada Alshabaab ay ku leedahay magaalooyinka ay haystaan ciidamada shisheeye iyo kuwa DF ka Soomaaliya sida magaalada caasimada ah ee Moqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here