Shuhaddo Kadhalatay xasuuq cusub oo ka dhacay Nuseyrat iyo dab xooggan oo kakacay waqooyiga Gazza

11
0

33 Falastiiniyiin ah ayaa ku shahiiday in ka badan 50 kalena waa ay ku dhaawacmeen, goor dambe oo fiidnimadii Khamiista, ka dib duqayn ay Yahuudda la beegsatay dhismaha boostada iyo tiro guryo ah oo ku yaalla xerada Nuseyrat ee badhtamaha marinka Gazza,

Halka duqayntaYahuudana ay sababtay dab weyn ka dillaacay guryo badan oo Falastiiniyiin ah oo ku yaal bariga xerada Jabaliya iyo albaabka guriga Hanuun, ee qaybta woqooyi.

ilo-wareedyo caafimaad ayaa sheegay in 71 Falastiiniyiin ah ay ku shahiideen tan iyo subaxnimadii Khamiista duqeymaha Yahuudda  ee Marinka Gazza, oo ay ku jiraan 57 ku shahiiday bartamaha iyo koonfurta Marinka, iyadoo guumeysiga uu sii wado ololihiisa xasuuqa ah ee ka dhanka ah dadka deggan Marinka.

Iyadoo Dhanka kale Kadhigan In Hawlgalka Yahudda ee waqooyiga Marinka Gaza uu galay maalintii 70-aad, ilo caafimaad ee Ka howlgala Halkaasi ayaa sheegaya in in ka badan 4,000 oo qof lagu dilay lana la’yahay tan iyo markii uu billowday howlgallada ay ciidamada Yahuudda halkaasi ka wadaan.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here