Khabiir ku takhasusay arimaha milatariga oo lagu magacaabo Muhammad Al-Sammadi ayaa sheegay in kororka xawliga ah ee hawlgallada wax iska caabinta Falastiinta ay wali tahay mid awood buuxda u leh inay mudo dheer ka sii dagaalamaan waqooyiga Marinka Qaza, taas oo ay sabab u tahay shabakadaha tunnel-ka ee dhulka hoostiisa mara, kuwaas oo wali ah kuwo la isticmaali karo furtsadna u siinaysa Xooggaga inay magaalooyinka kale uga gudbaan, iyadoo ay dagaalyahanadu si xeeladaysan u beegsanayaan ciidamada Yahuudda ee ku sugan Woqiiyiga Marinka Qaza.
Al-Sammadi ayaa waraysi uu siiyay warbahinta Al-Jaziira ku macneeyay arintan, in howlgallada iska caabinta ee ay kula jiraan ciidamada gumeysiga maalmihii la soo dhaafay ay muujinayso, awooda militari ee Muqaawamadu u leedahay dagaalka, kuwaas mudo sanad kabadan kujiray dagaal joogto ah.
Waxa uu ku nuuxnuuxsaday in fursadaha u sahlay inay cadowga naafeeyaan ay tahay, gabaadyada ay ka helayaan burburka weyn ee ay gaysteen duqaymaha cadowga, taas oo xooggaga Muqawamada siisay inay si fudud kusoo galaan burburka dhismayasha, ayagoo beegsanaya tangiyada Yahuudda, weeraradan ayaa galaaftay boqolaal askri oo Yahuudd ah, halka lagu gubay kumanaan Taangi, oo ah nooca Markefaha loo yaqaano.
Maalmihii la soo dhaafay guutada Al-Qassam oo ah qayb kamida Muqawamada Falastiiniyiinta ayaa baahisay, muuqaallo badan oo muujinaya beegsiga ay ku hayaan Saraakiisha Yahuudda ee kusugan Marinka Qaza, iyo duqeyn ay ku beegsanayaan gaadiidka kala duwan ee Yahuudda ee ku sugan magaalada Jabalia iyo Beit Lahia, iyadoo la adeegsanayo madaafiicda lidka taangiyada iyo walxaha qarxa ee dhulka lagu aaso.
Al-Sammadi oo hadalkiisa sii watay ayaa ku nuuxnuuxsaday, in iska caabinta ay u suuragashay inay ka dagaalamaan goobaha ay joogaan ciidamada Sahaayinada, ayna awood u leeyihiin in ay dib u soo celiyaan awoodii ay lahaayeen bilowgii dagaalka, taas oo ka dhigan in Dulaankii balaarnaa ee ay Yahuuddu kusoo qaaday Jiida Qaza ay ku hungoobeen, maadaama ay maxabiistii soo furan waayeen, dhanka kalana aysan Muqaawamada loodin Karin.
Sida laga soo xigtay khabiir ku takhasusay arimaha milatariga, iska caabbinta Falastiin waxay ku tiirsan tahay awoodeeda dhinaca wax soo saarka iyo dib uwarshadaynta haraadiga gantaallada ay ciidamada Yahuudda ku garaacaan dadka rayadka ee Falastiin, waxa kale oo ay dib usoo cishataa gacan ku haynta goobaha ay ciidamada Sahaayinadu ka baxaan.
Wuxuuna sheegay Khabiirkaas, in ciidamada gumaystaha ay u baahan yihiin ciidamo aad u badan si ay u galaan aagagga Qaza, halka laba xubnood oo ka mid ah muqaawada ay ku filan yihiin inay burburiyaan taangi ama markab ay leeyihiin ciidamada Yahuudda.
Taasna waxaa usahlay muqaawada, in ciidamada gumaystaha ay yihiin kuwo muuqda oo la ilaalinayo, halka iska caabintuna ay yihiin kuwa qarsoon, balse soo baxa marka ay rabaan inay hawlgal qaadaan, iyagoona masaafo aad udhaw usoo jirsada cadawga kaddibna dhagta dhiiga udara.
Khabiirka militariga ayaa hadalkiisa ku soo gabagabeeyay, in habka ah in ay muqaawadu kooxo yar yar kula dagaalanto gumaysataha ay sii socon doonto, isagoo tilmaamay in habkaas uu yahay mid lagu dhiig bixinayo ciidamada Yahuudda ee gumaadka kawado Qaza.
Maqribnimadii shalay ayeey ahayd, markii ciidamada guumaystaha Yahuudda ay ku dhawaaqeen, in dagaal ka dhacay waqooyiga marinka Qaza looga dilay kabtan iyo askari ka tirsanaa guutada Kfir, halka askari labaadna si xun looga dhaawacay.
Sidan oo kale,, Channel 14 ee Sahaayinada ayaa sheegay, in ninkii hubaysnaa ee labada askari ku dilay Beit Lahia uu ka soo baxay god dhulka hoostiisa, isagoona ka dilay labada askari masaafa udhow, waana arin qalqal iyo cabsi badan ku abuurayso ciidamada Yahuudda ee ku dhimanaya dhul aysan iyagu lahayn.
Dhanka kale, Channel 12 ee Yahuudda ayaa sheegay, in 30 sarkaal iyo askar lagu dilay dagaalka ka socda Jabalia iyo waqooyiga Marinka Qaza, kaasoo socday muddo 5 toddobaad ah.