Side Buu Walidku uga ilaalin Karaa Ubadkiisa inay la Rafiiqaan Saaxiibada xun. (Maqaal)

51
0

Mid ka mid ah waxyaabaha ay sida weyn uga walwalaan waalidiintu waa in ubadkooda ay saameyn ku yeeshaan saaxiibada xun-xun, iyagoo waalidiinta  sanado badan dadaal xooggan ku bixinaya tarbiyada korinta iyo daryeelka carruurta, hadana shaki la’aan waxaa ku abuurma cabsi wayn oo ay ka qabaan mustaqbalka ubadkooda, iyo inay bay’ada ku xeeran saamayn xun ku yeelan karto akhlaaqdooda, haday ahaan lahayd saaxiibada xun ee iskuulka, xaafada iyo guud ahaan bulshada.

Saaxiibada xuni iyaga ayaa sababa inay fasaado akhlaaqda ruuxa, qofka bani Aadamka ha yaraada ama ha waynaade marka ay ku hareeraysan-yihiin saaxiiba xun aad ayuu ugu saamoobaa, hadduusan go’aan ku qaadanin inuu ka fogaado, sababtoo ah waxay si joogta ah ugu boorinayaan shakhsiga inuu ku dhaco dembiyo iyo macaasi. Nafta bini’aadamka  dabci ahaan, waxa si weyn u saameeya waxa soo gaara dhegaha, una soo jiida hamigeeda iyo rabitaankeeda, sida erayo been abuur ah oo lasoo qurxiyay, kuwaas oo saamayn ku yeelan kara mustaqbalka ruux.

Waxaa arinkaas tusaale usoo qadan karnaa marka ay caruurta daawadaan musalsalaadka fuxshiga iyo ciyaaraha, waxa aad arkaysaa ilmaha oo ku hadaaqaya kalimaadkii ay ku hadlayeen jilayaasha iyo ciyaartooyda, sababtuna waa ay saameeyeen. Taas cagsigeeda haddii ilmaha uu daawado maxaadaraadka, nadwooyinka cilmiga iyo tartmada diiniga ah, waxaad arkaysaa ilmaha oo uwacdinaya sidii Sheekhi oo kale. Marka ilmaha waxaa mar walba saamayn xun iyo mid sanba ku yeelan kara ciddii uu la fal-galo. Waxaana arinkaas si wayn kuu dareensiinaya Xadiiska Rasuulka (N.N.K.H) ee oranaya.

المرء على دين خليله فلينظر أحدكم من يخالل”.. رواه أحمد”

Waxa uu ubadka ka baran karaa saaxiibada xun-xun akhlaaq xume nooc kasta ah, oo ay kamid yihiin, maandooriyaha, ku caasi garawga waalidkiisa iyo inay dhammaan burburto jiritaankii ubadka, kama danbaystiina waxa uu noqonayaa ubadka mid aan ka sariigoonaynin wax kast oo shar ah.

Hadaba side buu walidka uga ilaalin karaa inay ubadkiisu yeeshaan saaxiibo xun. Waaxaa muhiim ah in waalidka doonaya inuu ku guulaysto inaysan caruurtiisa saamaynin afkaarta iyo dhaqamada liita ee kaga soo dusaya bay’ada ku heeraysan, inuu maro tallaabooyinka soo socda.

1: Waa inuu waalidku uduceeyaa ubadkiisa, inta badan waalidiinta Soomaaliyeed waxaa ku badan inay habaaraan caruurtooda, haba ugu sii darnaata marka ay baal maraan awaamiirtooda, arinkaasna waa uu reebay Nabigeena (N.N.K.H), waxaana ka sugnaaday Xadiis micniihiisu ahaa. “Ha habaarina ubadkiina, kaddibna aad ku beegantaan saacad uu Allaah ajiibayo ducada”.

Taas badalkeeda waxaa laga rabaa waalidka inuu ka caada dhigto inuu uduceeyo ubadkiisa, waana inuu markasta carrabkiisa baraa khayrka iyo wanaagga, si ay kaga daydaan ubadka.

2: Waa inaad ubadkaada ku tarbiyaysaa Barashada diinta, taas oo ku hagayso akhlaaqda iyo qiyamka wanaagsan, maxaa yeelay marka ay aabayaashu quluubta ubadkooda ku beeraan tarbiyo wanaagsan, waxa uu ilmuhu ku korayaa fidra  wanaagsan oo jecelaysiinaysa khayrka, dhanka kalana necbeenaysiinaysa sharta iyo munkarka.

3: Waa inuu waalidka la saaxiibo awlaadiisa kana ag dhawaado, aabaha wanaagsan waa midka la saaxiibo wiilkiisa ama gabadhiisa, taasna waxa ay kaa caawin kartaa inay ubadku markasta u sheegtaan caqabaadka haysta isagana si fudud uu uxaliyo.

Balse haddii uu walidku yahay mid mar kasta ay usha deegta usaaran tahay, aaminsana in caruurta lagu tarbiyayn kara usha oo kaliya, waxa meesha ka baxayo calaaqadii ka dhexaysay isaga iyo caruurtiisa, waxa ayna jeclaanayaan caruurtiisa inuu guriga ka maqnaado aabahood, maxaa yeelay joogistiisa waxa ay u arkaan caqabad ku hor gudban.

Marka hadduusan jirin xiriir daacad ah, oo ku dhisan is ixtiraam naxariis iyo turid  oo udhexeeya waalidka iyo ilmihiisa, way adag tahay in la xalliyo arrin kasta oo khuseeya ilmaha, gaar ahaan arrimaha aysan waalidku ogeyn.

4: In ilmaha loo dhiibo hawlo iyo mas’uuliyad ka jeedisa saaxiibada xun ee aad ka shakisan-tahay inuu ka ag dhow yahay. Kaddib shaqadaas ayuu kaga mashquuli doonaa la fariisashada iyo la socoshada saaxiibada xun.

5: Waa in waalid isaga iyo ubadkiisa ay si wada jir ah is waydaarsadaan halbeegyada iyo qeexidda saaxiibka wanaagsan, arinkaas waxaa uu ilmaha u arkayaa in uu maqam sare ka jooga waalidka agtiisa, kaddibna waxa ay ku riixaysaa in uu lasaaxiibo ruuxa uu ka helo sifaadkii ay isku raaceen isaga iyo aabihiis ama hooyadiis.

Balse waalidku waa inuu iska ilaaliyo inuu si joogto ah u xumeeyo waladka saaxiibbadiisa; Sababtoo ah ilmaha da’diisa oo yar awgeed, wuxuu u fahmayaa in taas ay tahay daciifnimo isaga ku jirta  iyo shaki galin awooddiisa.

6: Waa in si joogta ah loolo socda ubadka, iyadoo ay tarbiyadu wanaagsan ay muhiim tahay, hadana kuma filna ubadka inay ka weeciso saaxiibada xun-xun, garaadkiisa oo yar awgiis, balse waxa ay u baahantahay dabagal joogto ah iyo la socoshada waalidka hab-dhaqanka caruurtiisa.

Waxaa hubaal ah in uu waalidku ka arki karto cunugiisa calaamado tilmaamaya jiritaanka inuu ku xiran yahay saaxiibo xun, sida inuu  jacel-yahay ka  fogaanshaha dadka ama inuu san jaclayn soo dhex-galka qoyska, tacliintiisa oo liita, isbadal dhanka, dabeecadda, hab labiska xun,  jeego xiirashada iyo habab kale oo uu ogaan kara oo kaliya waalidka soo jeeda ee la socda tallaabooyinka ubadka.

7: U ogolow inuu wakhti yar la qaato asxaabta wanaagsan, adoo xoogga saaraya fikradda ah inuu si tartiib tartiib ah uga baxo kuwa xun. Ama geey deegaan wanaagsan si uu u helo saaxiibo wanaagsan, tusaale ahaan hadduu ilmaha ku fasahaaday magaalo, sababtuna ay tahay inuu ka helayo Baraha Bulshada, geey goob uusan ka helaynin adeegaas.

Ugu danbayntii waa inuu waalidku dareesanaadaa inay ubadku yihiin amaana u Allaah udhiibtay kalana xisaabtami doona malinta danbe, ku dadaal tarbiyadooda si ka wayn sida aad ugu daalayso quudkooda, maxaa yeelay ilmaha wanaagsan waxa uu ku anfacayaa inta aad nooshahay iyo marka aad ciidda ka hoosmartaba.

Tarjamo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here