Sidee Al-Shabaab Ugu Suuragashay Iney Weeraraan Beach View.

46
0

Ciidamo ka tirsan Xarakada Al-Shabaab qeybtooda nafhurayaasha ayaa habeenkii xalay weerar ku qaaday dhismaha Beach View oo ku yaalla xeebta Liido ee magaalada Muqdisho.

Sida aan xogta ku heleyno kadib markii uu dhacay qarax weyn waxaa gudaha dhismaha galay ciidamo hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab kuwaas oo toogashooyin ka billaabay dhismaha.

Wararka hordhaca ah waxay sheegayaan in tobaneeyo qof oo ka tirsan DF lagu dilay weerarka, kuwa ka badanna lagu dhaawacay.

Ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay Al-Shabaab iyo DF oo ku aadan dhacdada marka laga reebo warbaahinada labada dhinac oo siyaabo kala duwan u warinaya hawlgalka.

Weerarka waxaa ku dhaawacmay taliye ku xigeenka NISA ee gobolka Banaadir oo lagu magacaabo Ibraahim Shiiqaal kaasoo lagu daweynayo mid kamid ah isbitaalada DF.

Idaacadda ku hadasha afka Xarakada Al-Shabaab ayaa abbaaro 12:00 saqdii dhexe baahisay codka mid kamid ah dagaalyahanada galay dhismaha kaas oo sheegay iney dul taagan yihiin meydad badan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here