Sidee ayuu kor u kaca Dollarku u Saameeyn karaa Dhaqaalaha Afrika?(Warbixin).

24
0

Shabakadda Deutsche Welle ayaa daabacday warbixin ay kaga hadashay, saamaynta taban ee uu ku yeelan karo dhaqaalaha Afrika sare u kaca ku yimid qiimaha dollarka Maraykanka, iyadoo sharraxaad ka bixisay saamaynta  uu ku leeyahay kor u kaca qiimaha badeecadaha la soo dejiyo, gaar ahaan dhinaca tamarta iyo cuntada, oo dalal badan oo Afrikaan ah ay ku tiirsan yihiin.

Shabakadda ayaa sheegtay,  in Trump uu ballan qaaday inuu kordhin doono tacriifadaha Maraykanka soo dajisto iyo inuu  magacaabi doona kooxa qaabilsan canshuur dhimis cusub marka uu ku soo laabto Aqalka Cad 20-ka Janaayo ee soo socota.

Qorshayaashan oo ay weheliyaan dulsaarka hoose ee Maraykanka, ayaa la filayaa inay horseed u noqdaan kor u kaca qiimaha dollarka Maraykanka.

Shabakadu waxa ay tilmaantay, in kor u kac ku yimaada dollarku uu cawaaqib xumo ku yeelan doono caalamka intiisa kale, taas oo keeni karta in wax soo saarkooda uu kor u kaco, uuna ka dilaaco sicir barar.

Waxay ku nuuxnuuxsatay Shabakada,  in mid ka mid ah qaaradaha la filayo in uu saameyn weyn ku yeelan doono kororka dollarka ay tahay Afrika, halkaas oo 9 waddan oo kamida ay horay ugu  dhibaatoonaayeen deymo ay qaateen,  halka 10 dal oo kalana ay soo food saartay xaalado saboolnima ah, sida uu sheegay waxa loogu yeera Bankaga Adduunka.

Warbixintu waxay soo xigatay Karim Karaki, oo ah madaxa kooxda soo kabashada dhaqaalaha iyo isbeddelka ee Xarunta Yurub, isagoo leh: “In ka badan 50 boqolkiiba deynta wadamada dakhligoodu hooseeyo iyo kuwa dhexdhexaadka ah waa deyn madax-bannaan oo lagu magacaabo lacagaha ajnabiga ah, inteeda badana waa dollar”.

Karaki ayaa intaas ku daray, “sida uu qiimaha dollarku kor oogu kaca, waxaa sidoo kale  kor u kacaya kharashka lagu bixiyo adeega deynta, tani waxay ka dhigan tahay in kharash badan ay dawladdu ku bixiso adeegga deynta, ayna yaraato maalgelinta wax soo saarka ee u adeegaysay warshadaha iyo horumarinta.”

Warbixintu waxay sharraxday in David Omojomolo, oo ah dhaqaaleyahan ku takhasusay suuqyada soo koraya ee Afrika, kana tirsan Hay’adda Capital Economics Foundation ee fadhigeedu yahay London, uu sheegay, in hanjabaadda Trump ee ah in uu canshuuro dheeri ah ku soo rogi doona badeecadaha la keeno Mareykanka ay tahay arin  welwelkeeda leh,  iyadoo sare u kaca ku yimid qiimaha dollarka ay ka dhigi doonto dawladaha Afrika qaarkood inay ku adkaato helitaanka raasamaalkooda ay ku leeyihiin  suuqyada adduunka.”

Waxa uu xusay Omojomolo, in dhowr dowladood oo Afrikaan ah oo ay ku jiraan Kenya, Zambia, Ghana iyo Ethiopia ay haatan wajahayaan xayiraad ay ku soo kordhiyaan raasamaakal ay ku leeyihiin suuqyada maaliyadeed ee caalamka,sababo la xiriira deymo badan oo lagu leeyahay.

Omojomolo ayaana yiri “Aad baan uga walaacsanahay Angola iyo Kenya” isagoona xusay in dowladda Angola ay dhawaan ka digtay in ay ku adag tahay bixinta deynta lagu leeyahay, iyada oo maal-gelinaysa kharashaadka maalinlaha ah, halka dowladda Kenya ay damacday  bishii Juun ee lasoo dhaafay in ay kordhiso cashuuraha si ay udhinto deynta lagu leeyahay dalkeeda , balse waxay lakulantay mudaaharaadyo waaweyn oo ku qasbay inay ka laabato go’aankaas, wixii markaas ka dambeeyay Nayroobi waxa ay ballan qaaday, in ay soo amaahan doonto wax badan si ay u yareyso qaar ka mid ah saameynta dhaqaale xumo ee ka jirta dalkeeda.

Omogomlolo ayaa ka digay, in haddii wax ka amaahashada suuqyada raasumaalka ee caalamiga ah ay sii adkaato, ay waddamo badan oo gobolka ah ku xirnaan doonaan maalgelinta hay’adaha, sida Sanduuqa Caalamiga ah ee Lacagta Adduunka iyo Bangiga Adduunka si ay uga fogaadaan deynta madax-bannaan”

Ugu danbayntii warbixinta oo dheerayd ayaa soo sardisay, qaar kamid ah dalalka la ildaran daymo lagu leeyahay waxaana ka mid ah  Ethiopia, Republic of the Congo, Mozambique, Somalia, Sudan, South Sudan, Zimbabwe Chad iyo Zambia,.

 

 

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here