Sidee Baa Taraawiixda Looga oogay Xalay Masjidka Barakeysan ee Al-Aqsa. (Warbixin)

21
0

Tobanaan kun oo qof ayaa habeenkii koowaad ee bisha barakeysan ee Ramadaan ku tukaday salaadda Taraawiixda Masjidka barakeysan ee Al-Aqsa, iyadoo ay socdeen tallaabooyin adag oo ay Yahuuddu qaadday oo ay ku jirtay inay jidgooyo ka sameysato waddooyinka gala masjidka, laga soo bilaabo magaaladii Qadiimiga ahayd ee Qudus.

Sida laga soo xigtay qiyaasta dadka reer Falastiin, illaa 60 Kun oo qof oo u badan dadka magaalada Qudus ee la haysto ayaa ku tukaday salaadda.

Maamulaha Masjidka Al-Aqsa, Sheekh Cumar Al-Kiswaani, ayaa dadka ku booriyay inay u safraan Masjidka Al-Aqsa, maadaama uu kamid yahay saddaxda masjid ee dartooda safar loo gali kara, isagoo ku nuux-nuux saday, in Masjidku yahay, goob cibaado oo Eebbe loogu dhawaanayo.

Dhanka kale, ilo wareedyo ku sugan magaalada barakaysan ee Al-Qudus ayaa kusoo waramaya, in ciidamada Yahuudda ay isbaaro dhigeen waddooyinka gala masjidka, iyagoo dhanka kale biro ku xiray  albaabadiisa, taas oo caqad ku ah dadka cibaadada usoo aadaya masjidka.

Waxa ay tilmaameen  ilo wareedkaan, in ciidamada gumaystaha ay qabteen Wiil dhalin yaro ah, oo ku sii jeeday masjidka Al-Aqsa, si uu u soo tukado Salaadda Cishaha iyo Taraawiixda,  kadibna waxa ay ciidamada Yahuudda kula kaceen xadgudubyo ay kamid yahay jirdil iyo garaacid.

Horaantii Jimcihii, Channel 14 ee Yahuudda ayaa sheegay, in booliisku ay doonayaan inay bilowga bisha Ramadaan ciidamo dheeraad ah geeyaan magaalada la haysto ee Qudus, gaar ahaan agagaarka Masjidka Al-Aqsa.

Kanaalka ayaa ku qiyaasay kororka tirada askarta booliska ah ku dhawaad ​​laba kun oo askari, isagoo xusay, in si weyn loo sugayo ammaanka magaalada Qudus, meelaha laga soo galo iyo kuwa laga baxo, iyo isgoysyo badan oo ku hareeraysan.

Xoojintan dhanka amaanka ah ayaa timid, kadib markii maamulka Yahuudda uu go’aan ku gaaray, in la xadido gelitaanka Masjidka Al-Aqsa, iyagoo tilmaamay, in aysan ogolaan doonin in ka badan 10 Kun oo Falastiiniyiin ah oo kasoo jeeda Daanta Galbeed inay gaaraan Masjidka inta lagu guda jiro maalmaha Jimcaha ee bisha Ramadaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here