Sidee Buu Xasan Sheekh Sabab Ugu Noqday Geeridii Cali Samatar? WQ: C/Risaaq Xaaji Xuseen.

69
0

Muddo 8 sano ah ayaa kasoo wareegatay markii uu geeriyooday Maxamad Cali Samatar.

Cali Samatar wuxuu ahaa Madaxweyne kuxigeenkii iyo Wasiirkii gaadhaandhigga ee dowladdii kacaanka oo mudada 21ka sano ah ka talineysay wadanka Soomaaliya. Inkasta oo ay dowladdaas la dagaalamaysay diinta, haddana wax badan ayay madaxdeedu ku dhaameen kuwa maanta fadhiya Villada. Ma oggoleyn in wax loo yeeriyo, mana ka gorgortami jirin qarannimada Soomaaliya.

Cali Samatar ayaa hogaamiyay dagaalkii lala galay Itoobiya 1977 kaasoo ay Soomaali kusoo ceshan lahayd xaqeeda dhuleed ee ka maqan hadaaney xabashidu gurmad ka heli lahayn dowladaha Orthodox-ka ah iyo kuwii cucubka ahaa ee la socday. Cali Samatar oo ka waramaya daciifnimada Xabashida iyo dersigii maalintaas loo dhigay ayaa yiri hadal taariikhda galay oo ahaa “Ciidankii Libaaxii Geeska Aafrica la baxay, Bisad baanu kasoo saarnay muddo bilooyin aan badnayn ah gudahood.”

Cali Samatar marna ma uusan filanayn isagoo nool iyo isagoo dhintayba in madaxweyne Soomaaliyeed uu ku dhaanteeyo Jigjiga islamarkaana dhulka Soomaaligalbeed u aqoonsado Itoobiya. Maalinta uu Xasan Sheekh Jigjiga kula cayaarayay Cabdi Iley iyo Gabrayaasha gaagaaban ee Gonder iyo Maqalle ka yimid, waxay ahayd Augost 12, 2016, Cali Samatarna wuxuu geeriyooday Augost 20, 2016, waa 8 maalmood kadib foolxumadii iyo falaadkii ka dhacday Jigjiga.

Muddadaa 8 cisho ah waxay Calisamatar u ahaayeen habeenadii xanuunka iyo sakaraadka, iyo habeenadii ciilka iyo caloolyowga, wuxuuna isgaoo 85 sano jir ah ku geeriyooday isbital ku yaalla gobolka Virgina ee dalka Maraykanka!!.

Intaas waxaa kasii darnayd in aaskiisii oo ka dhacay Muqdisho ay kasoo qeyb galeen dhammaan nimankii Jigjiga tagay ee usoo aqoonsaday dhul xabashaad, kuwaasoo uu ugu horreeyo Xasan Sheekh. Waxaan hubaa haddii uu Cali Samatar ogaan lahaa arrintaas inuu dardaarmi lahaa inaan meydkiisa loo geyn Xasan Sheekh iyo meel uu ka agdhow yahay.

Xasan Sheekh ayaa hadda Soomaalida isaga dhigaya halyey neceb Xabashida kadib markii uu ka xanaaqay heshiiskii uu Muuse ku bixiyay Badda Soomaaliya, kaasoo uu Xasan door bidayya inuu isagu saxiixo.

FG: Aragtida maqaalka waxay u gaar tahay qoraaga, loomana tiirin karo website ka Soomaalimidnimo.

Cabdi Risaaq Xaaji Xuseen, Stockholm, Sweden.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here