Xilli xiisadaha u dhaxeeya dowladaha Bakistaan iyo Hindiya ay cirka isku shareerayaan, ayuu Wasiirka Warfaafinta ee Bakistaan Cadhallaah Taraar maanta shaaca ka qaaday, in dalkiisa uu hayo xoga sirdoon oo lagu kalsoonaan karo oo tilmaamaya, in Hindiya ay doonayso inay weerar milateri ku qaado Bakistaan 24 illaa 36 saacadood gudahood, taasoo ah khatartii ugu dambaysay ee dagaal ee u dhaxaysa labadan dal ee deriska ah kuna qalabaysan hubka khatarta badan ee Nukliyeerka.
Wasiirka ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa “X “ ku cadeeyay, in Hindiya ay qaadi doonto weerarkan malatari, iyadoo marmarsiyo ka dhiganayso dhacdadii dhawaan lagu laayay dalxiisayaasha ee ka dhacday gobalka Kashmiir qaybta ay Hindiya ka maamusho.
Mas’uulkaan Bakistaaniga ah oo hadalkiisa sii wata ayaa ku goodiyay, in gardarro kasta oo iyaga ka dhan ah ay ka bixin doonaa jawaab adag, Niyuu-dalhina ay qaadi doonto mas’uuliyadda buuxda ee cawaaqib xumo kasta oo ka dhacda gobolka.
Hadalka wasiirka Bakistaan ayaa kusoo beegmaya iyadoo dhaqdhaqaaq ciidan uu ka socdo xadka dhulka ee u dhexeeya labadan dal ku hubaysan hubka Nukliyeerka, iyadoo laga digayaa dagaal cusub oo dhexmara.