Waxaa maanta gabi ahaanba albaabada u xiran suuqa Bakaaraha oo ah suuqa ugu weyn dalka Soomaaliya.
Suuqa ayaa xiran saaka ka dib markii dowladda federaalka Soomaaliya ay soo kordhisay canshuuro xad-dhaaf ah.
Ganacsatada magaalada Muqdisho ayaa ka dhiidhiyay canshuurta xad-dhaaf ah ay ku sheegeen in ay tahay mid boob ah oo ay soo kordhisay dowladda Xasan Sheekh.
Sidoo kale, waxaa maanta qatan kumanaan qoys oo danyar ah oo biilkoodu uu ku tiirsanaa suuqyada magaalada moqdisho sida suuqa Bakaaraha, oo maanta u xiran lacago baad ah oo ay dadka shacabka ah aysan awoodin in ay bixiyaan.