Suurad Muujineysa Deeqsinimada iyo Gobnimada Dadka Suudaan. Haweeney Suudaaniyad Ah oo Martigelisay 10 Qof oo Barakacayaal Ah.

37
0

Guri ay degan yihiin qoys fudud oo Suudaani ah oo ku yaalla tuulada Shaqra ee galbeedka magaalada Al-Fasher oo dhacda Waqooyiga Darfur, waxaa ka dhacday qiso cajiib ah, haweeneyda guriga daggan oo lagu magacaabo Saada Al-Faatix ayaa la kulantay 10 qof oo barakacayaal ah oo ay colaaduhu kasoo saareen guryahooda waxayna qaadatay go’aan ah iney dadka walaalaheed ah marti geliso oo ay dhaxda u xirato.

Iyadoo waliba qoyska Saada uu yahay mid aan hanti badan heysan, dhaqaalahooduna uu kooban yahay, ayaa waxay tallaabada ay qaaday muujineysaa dulqaadka iyo deeqsinimada iney wali baaqi kusoo tahay wadanka Suudaan, dhaqankaan oo waligiis ahaa mid soo jireen ah oo ay caan ku hayaan bulshada wadnakaas.

Saado iyada oo gaadiidsanaysa dameerkeeda una sii socota ceel u dhow si ay biyo uga soo dhaansato, ayay warbaahinta u sheegtay in ay martida la joogto la tacaaleyso, waxay tiri “Ma haysanno wax kale oo aan ka ahayn inaan cuntada aan haysanno la wadaagno martidan guryahooda uga soo cararay colaada, waana ay dhacday. hadda waa markeena si aan u caawinno sida ugu macquulsan.” ayay tiri iyadoo muujineysa iney gudaneyso kalain ay lama hurana tahay in uu qaato qof walba marka uu la kulmo xaaladdan oo kale.

Waxay sheegtay in baahiyahooda ay si joogto ah u kordhayaan maadaama ay culeyska intaa la eg hayaan qoys ahaan. Saado oo (35 jir) ayaa si murugo leh uga hadashay dhibaatada soo gaartay dadka barakacayaasha ah iyo caqabadaha haysta qoysaskii martida loo ahaa, waxayna sheegtay in dhaqaalahooda oo yar uusan si qurux badan u kaafineyn baahida dadkaas, waxayna sheegtay inay u baahan yihiin taageero iyo kaalmo dheeraad ah si ay u helaan nolol wanaagsan.

Sida laga soo xigtay warbixinnada Qaramada Midoobay, tirada dadka ku barokacay Suudaan waxay gaartay ilaa 3.1 milyan, oo ay ku jiraan 1.5 milyan oo ku sugan Darfur oo keliya, intooda badan waxay ku nool yihiin buushash yaryar oo ka sameysan baco iyo caws iyagoo ku jira xaalado adag, halka qaar kalena ay la nool yihiin qoysaska martida loo yahay kuwaasoo aanan si dhameystran u heli karin cunto, biyo iyo hoy ku filan, taasina waxaa u sbaab ah duruufaha dhaqaale ee uu xilligan wadanku marayo.

Qaar badan oo ka mid ah dadka barakacayaasha ah ee ku dhaqan xarumahan ayaa ku nool teendhooyin qadiimi ah oo aan ku habboonayn in la degaansado kuwaasoo ay ka muuqato nadaafad darro baahsan islamarkaana sababi kara cudurro gaar ahaan marka uu roobku ku da’o.

Cawatiif Idiriis oo ku nool tuulada Qoolo ee galbeedka Al- Fasher oo la hadashay warfidiyeenka ayaa sheegtay in gurigeeda oo aad u yar oo kooban iyo duruuftooda aysan marnaba ka hor istaagin in ay qaabilaan 10 qof oo qaraabadooda ah oo ka soo qaxay Al- Fasher. Waxa ay carabka ku adkeysay in ay sii wadi doonaan marti gelinta dadkaan illaa ay meel munaasab ah ka helayaan, haddana waxay kamid noqdeen bey tiri qoyska oo ah dan yar la daalaa dhacaya nolol maalmeedkooda.

Isla xaaladdan Maxamad Cali Aadam oo kamid ah kooxaha gargaarka ayaa shaaca ka qaaday in qoysaska saboolka ah ee martigelinaya dadka barakacayaasha ah ee ku nool tuulooyinka ay yihiin dad dakhligoodu hooseeyo oo aan xamili karin culeyska, wuxuuna soo jeediyay in la caawiyo.

Sida uu qabo baaraha cilmiga bulshada Muxammad Suleymaan, qoysaska ku nool tuulooyinka nabdoon ee martigeliya dad badan oo kasoo barakacay guryahooda ayaa laga yaabaa in ay cadaadis nafsiyeed iyo mid bulsho kala kulmaan culeyska iyo mas’uuliyadda ay dhabarka u riteen, gaar ahaan marka la eego dakhliga xaddidan ee soo gala.

Khubarrada arrintan ka hadlay ayay dadka reer Suudaan gaar ahaan kuwa diinta aqoonta u lihi ku dhalliilayaan iney ku hawlan yihiin marin habaabinta bulshada kana soo horjeedaan in dadka muslimiinta ah is caawiyaan oo dhibka iyo dheefta wada qeybsadaan.

Hey’adaha sheegta gargaarka ayaa markii ay ku fashilmeen hawlahooda waxay u muuqdaan kuwa ka niyad jabsan sida ay dadku isku caawinayaan taasoo ugu dambeyntii keeni karta in laga maarmo dhammaantood, haddana waxay u muuqdaan kuwa arrintaas ka dagaalamaya.

Aqoonyahanada ayaa ku talinaya in la garab istaago qoysaska marti geliyay dadka walaalahood ah ee soo barakacay, dhaqankan is caawinta ah ayaana waxay ku tilmaameen mid aad u wanaagsan oo suuragaliyay iney yaraato dhibaatada dadka barakacayaasha ah soo gaareysa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here