Suuriya oo Shaaciyay, Tirada Qaxootiga Suuriyaanka ah ee Dib ugu Soo Laabtay Dalkooda Tan iyo Markii la Riday Nidaamkii Bashaar Al-Asad.

24
0

Hay’adda socdaalka ee Suuriya ayaa shaaca ka qaaday Isniintii shalay, in inka badan 425 Kun oo Suuriyaan ah oo ka kala yimid dalalka deriska la ah waddankaas, iyo sidoo kale Tobanaan kun oo qurba-joog ah, ay dib ugu soo laabteen dalkooda tan iyo markii talada laga fara-maroojiyay nidaamkii Bashaar Al-Asad bishii Diseembar ee la soo dhaafay.

Madaxa xiriirka dadweynaha ee hay’addaas, ninka lagu magacaabo Maazin Calluush ayaa sheegay, in dadkani ay si iskooda ah ay dib ugu soo laabteen dalkooda, isagoo tilmaamay, in tirada ugu badan ee qaxootiga ay kasoo laabteen waddanka Turkiga, kuwaas oo gaaraya in ka badan 250 Kun, marka lagu daro tiro badan oo ka soo laabtay Lubnaan, Urdun iyo Ciraaq, sida uu sheegay Maazin.

8 bishii Diseembar, sanadkii ina dhaafay ee 2024-ka, ayay ahayd markii kooxaha mucaaradka Suuriya ay la wareegeen talada dalkaas, taasoo soo afjartay inka badan 50 sano oo qoyska Assad ay maamulayeen Suuriya, kuwaas oo dulmi iyo xadgudubo waawayn kula kacay shacabka waddankaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here