Dufcaddii ugu horreysay oo ah gantaallada lagu sameeyo Maraykanka, oo gaari kara masaafo dhan 300 oo kilomitir ayaa gaaray Taiwan, sida ay ilo-wareedyo milateri u sheegeen wakaaladda wararka ee Taiwan ee CNA.
Ilahan oo aan la magacaabin ayaa sheegay, in dufcadii ugu horeysay ee gantaallada nooca loo yaqaana MGM-140, oo Taiwan ay ka soo iibsatay Mareykanka, dhawaan la keenay jamhuuriyadda, si kastaba ha ahaatee, lama shaacinin tirada saxda ah ee la keenay, sababo la xiriira arinta oo si qarsooni ah udhacday, sida ay sheegtay wakaaladda wararka Jarmalka.
Waxaa xusid mudan in nidaamka “MGM-140” uu yahay gantaalaha ballistic-gada taatikada ah ee aadka udheereeya, kaas oo markii hore ay naqshadaysay oo ay samaysay shirkadda difaaca ee Maraykanka “Ling-Temco-Vought”, taas oo ugu danbayntii joojisay hawlihii ay haaysay, balse shirkadda “Lockheed Martin” ayaa iibisa wakhti xaadirkan.