16 ka mid ah askarta Pakistan ayaa lagu dilay 5 kalana waa lagu dhaawacay, kaddib weerar ay dagaalyahanada Taliban Pakistan ay ku qaadeen fariisin ciidan oo ku dhow xadka Afghanistan. Weerarka ayaa ka dhacay deegaanka Makeen ee gobolka Khyber Pakhtunkhwa xilli dambe oo habeenimo ah, waxaana uu socday ku dhawaad Labo saacadood.
Ku dhawaad 30 nin oo hubeysan ayaa saddex jiho ka weeraray goobta, waxaana kooxda weerarka geysatay ay gubeen qalab ciidan oo ay ku jiraan Idaacadaha iyo Dukumentiyada. Ciidamada Pakistan ayaa war rasmi ah kasoo saarin dhacdada kadib, balse saraakiisha sirdoonka ayaa xaqiijiyay weerarka iyo tirada dhimashada iyo dhaawacayada.
Kooxda Taalibaan Pakistan ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka, waxayna sheegtay inay jawaab u tahay shuhadada hogaamiyayaasheeda sar-sare,. Dhaqdhaqaaqa ayaa sheegay, in ay ku qabsadeen weerarka tiro qalab ciidan ah oo ay ku jiraan qoryaha darandooriga u dhaca iyo kuwa habeenkii wax lagu arko.
Weerarada ka dhanka ah ciidamada Pakistan ayaa dib u soo Labo kacleeyay tan iyo markii Taliban ay dib ugu soo laabatay awooda dalka Afgaanistaan sanadka 2021-ka. Pakistan ayaa ku eedeysay Imaarada Afgaanistaan in aysan wax tallaabo ah ka qaadin Jihaadiyiinta weerarada ka geysanaya xadka.