War saxaafadeed kasoo baxay ururka midowga Afrika goligiisa isku magacaabay Nabadda iyo Amniga, ayaa lagu sheegay iney dhawaan soo afjari doonaan howlgalka ATMIS, ciidamada shisheeye wixii dalka kusoo harana siin doonaan magac cusub, lana hoos geyn doono uruurka.
Ciidamadii ATMIS ayaa waxaa la siiyay magac cusub kaasoo ah “Howlgalka Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya” oo magaciisa loo soo gaabiyo AUSSOM, waxaana ay magacan toos u qaadan doonaan Jannuary 2025-ka.
Shisheeyaha oo markii hore la bixi jiray magacyo dhiillo xambaarsan ayaa hadda la baxay magacyo ay xasilin ka muuqato iyagoo dowrkooda kusoo gaabinaya kaalinta ciidamada booliska loo yaqaano, ujeedaduna waxay tahay sida khubarrada ammaanka ka faallooda aaminsan yihiin iney dhaqaale kusii qaataan joogitaankooda, walow qaar badan ay dalka ka baxeen DF ay hadba wadan afrikaan ah u direyso codsi ah iney ciidamo usoo diraan dalka.
Warsaxaafadeedka ayaa lagu muujiyay in ciidamadan ay qeyb ka noqon doonaan Jabuutiyaan iyo Masaari, mana jiraan dowlado kale oo si gaar ah loo tilmaamay.
“Si looga fogaado firaaq amnio o ay ka faa’ideysan karto Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabab, waxaa lagu dhiirgeliyay howlgalkii hore ee ATMIS iyo Dowladda Federaalka iney iskaashi amni oo xoog leh yeeshaan, qiimeynna lagu sameeyo wejiyadii hore ee bixitaanka ciidamada shisheeyaha ATMIS iyo waxa kasoo noqday” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.
Sida ka muuqata war saxaafadeedka kasoo baxay golaha Nabadda ee midwoga Afrika, waxaan weli cadeyn cida maalgelineysa hawlgalkan la doonayo in DF looga ilaaliyo barqo cad iney XSHM ee ay Shisheeyuhu ka billaabayaan Soomaaliya.
Waxaa lagu sheegay iney ka codsanayaan Qaramada Midoobay, Midowga Yurub iyo dhamaan dowladaha taageera duullaanka Soomaaliya iney cadeeyaan dariiqada rasmiga ah ee maalgelinta ciidamada AUSSOM.
Magacii hore ee ATMIS waxaa dhammaaday waqtigiisii ay u qabteen dowladaha reergalbeedka, kuwaasoo ka gaabsaday iney dardar geliyaan, taas ayaana keentay in ururka midowga Afrika uu isku taago wax badal noqon kara maadaama DF aysan isku filnayn.
Afhayeenka Xarakada Al-Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage oo ay dhawaan wareysatay idaacadda maxalliga ah ee Al-furqaan ayaa shaaca ka qaaday sababta mar walba ay shisheeyuhu u badalayaan magacyadooda iney tahay arrin caddeeneysa jabkooda.
Dhinac kale, waxaa bayaanka kasoo baxay Midowga Afrika lagu sheegay iney aad uga walaacsanyihiin halista amni ee ka imaaneysa Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaan, waxaana lagu cambaareeyay howlgalladii ugu dambeeyay ee lagu beegsaday Dowladda Federaalka iyo askarta Shisheeyaha ee ka kala dhacay Muqdisho iyo Shabeellaha Hoose.
Howlgalka cusub ee uu ku dhawaaqay midowga Afrika, ayaanan bayaanka lagu cadeynin shaqooyinka rasmiga ah ee uu qaban doono, laakiin dadka falanqeeya xaaladda Soomaaliya waxay horey u sheegeen in howlgalka cusub ee bedelaya ATMIS ay shaqadiisa ugu weyn tahay ilaalinta amniga xarumaha muhiimka u ah Dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada, badi ciidanka qeybta ka ah ayaana u howlgeli doona sida booliiska.
Si guud, war saxaafadeedka kasoo baxay waxa loogu yeero golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika, waxaa ka muuqday inaanu qorshahoodan cusub ahayn mid dhammeystiran, caqabadaha ugu weyn ee heysta ayaana ah maalgelin la’aan, iyadoo dowladaha taakuleeya duullaanka Soomaaliya aaney xiiso iyo xamaasad badan u heynin in sanado kale oo horleh ay lacago bixiyaan.
2007-dii, ayaa magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya waxaa soo gaaray ciidamo ka socda qeybo kamid ah Afrika, Burundi iyo Uganda ayaana ahaa dalalkii ugu horeeyay ee ciidamada usoo dira Soomaaliya, marka laga yimaado ciidamada Xabashida.
17-ka sano ee ay ciidamadan Shisheeye ku suganyihiin Soomaaliya, waxay ku kaceen gaboodfallo xanuun badan oo aan marnaba ka go’i karin maanka bulshada Soomaaliyeed.
Xadgudubyada diiwaan gashan ee ay ku kaceen ciidamada Shisheeye, welina ku howlanyihiin, waxaa kamid ah dilal bareer ah oo loo geysto qeybaha kala duwan ee bulshada, kufsi ka dhan ah haweenka muslimaatka, iyagoo dhanka kale u xusul duubaya sidii aaney Soomaaliya uga hirgeli lahayn ku dhaqanka Shareecada Islaamka.
Tacadiyadii ugu dambeeyay ee ay ciidamada Shisheeye ka geysteen Soomaaliya, wuxuu ahaa fal gowrac bareer ah oo ay magaalada Buulo-Mareer ee gobolka Shabeellaha Hoose ugu geysteen dhalinyaro beeralley ah, 11-kii Muxarram 1446 oo waafaqsan 17-kii July 2024-ka.
Shisheeyaha ayaa dhankooda la xisaabtan adag kala kulmay XSHM, waxaana intooda badan loo laayay guuto-guuto kadib markii xeryahooda waaweyn lagu weeraray lagalana wareegay hubkoodii iyo gaadiidkoodii, weeraradaas ayaana keenay in shisheeyuhu godad ku aruuraan islamarkaana gabaan dhaqdhaqaaqa iska daa iney weerar qaadaane.