Taliyaha CID-da Maamulka Koonfur Galbeed oo Gurigiisa Lagu Weeraray.

41
0

Ciidamada Xarakada Al-Shabaab ayaa habeenkii xalay weerar ku qaaday, hoyga uu magaalada Beydhabo ee xarunta gobalka Baay ka dagan yahay sarkaal katirsan maamul goboleedka Koonfur galbeed.

Weerarka oo qarax loo adeegsaday ayaa si gaar ah lola beegsaday, hoyga uu xaafadda Bardaale ee Beydhabo ka dagan yahay, taliyaha CID-da ee maamulla Koonfur-galbeed.

Taliyaha la weeraray gurigiisa waxaa magaciisa lagu soo koobay “Kuusow.”

Wali lama ogaan khasaaraha ka dhashay weerarkaas qaraxa ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here