Taliyaha ciidamada hay’atu Taxriir Al-Shaam ayaa xaqiijiyay in kooxdan ay noqon doonto kooxdii ugu horeysay ee bilaabaysa kala dirista garabkooda militari, iyagoo fulinaya balanqaadkii maamulka cusub ee Suuriya, ee ahaa in la kala diro kooxaha, isla markaana ay dhistaan xarun cusub oo ciidan.
Wareysi lala yeeshay Taliyahan isaga oo ku sugan magaalada Latakiya ee galbeedka Suuriya, Abuu Xasan Al-Xamaawi oo magaciisa saxda ah uu yahay Murhaf Abuu Qasra ayaa yiri “Waxaanu ka mid noqon doonaa haduu Alle idmo kuwa ugu horeeya ee kala dira xooggaga, anakoo hirgalinayna amarka maamulka cusub, silo dhiso ciidanka dalka”.
Taliyaha guud ee maamulka cusub ee siyaasadda Suuriya, Axmed Al-Sharaa, ayaa sheegay in dhammaan kooxaha hubeysan la kala diri doono, isla markaana hubka si gaar ah loogu wareejin doono gacanta dowladda, ayadoo la bilaabayo qorista ciidanka, taas oo lagu hirgalin doono muddo gaaban oo aan ka badnayn 15 maalmood.