Taliyaha Guud ee Ciidamada Xuutiyiinta Yemen Oo ka Badbaaday Howlgal ay Fuliyeen Gumeystaha Yahuuda.

55
0

Gumeystaga Yahuuda ayaa ku guul-darraysatay weerar qorshaysan la beegsadeen taliyaha guud ee ciidamada Xuutiyiinta Yemen, general Maxamed Cabdu’l-Kariim Al-Ghamari, sida lagu sheegay warbixin uu baahiyay telefishinka Channel 12 ee leedahay gumeystaha Yahuuda.

Weerarkan oo dhacay Sabtidii la soo dhaafay, ayaa la sheegay inuu ka dhacay gudaha dalka Yemen, waxaana fuliyay diyaaradaha aan duuliyaha leheen ee Drones ta. 

Telefishinka Channel 12 wuxuu sheegay in saraakiil ka tirsan militariga gumeystaha ay qireen in howlgalkaasi uu ku dhammaaday guul-darro, inkasta oo ay ku andacoodeen in Al-Ghamari uu ku dhaawacmay weerarka.

General Maxamed Cabdu’l-Kariim Al-Ghamari ayaa ah taliyaha guud ee ciidamada Xuutiyiinta Yemen, waxaana loo arkaa mid ka mid ah maskaxda militariga ee ugu awoodda badan kooxdaasi. 

Wuxuu si toos ah uga tirsan yahay golaha sare ee siyaasadda Xuutiyiinta wuxuuna kaalin weyn ku leeyahay qorsheynta weerarada ay kooxdaasi ka fuliyaan gudaha Yemen iyo xuduudaha Sacuudiga iyo Badda Cas, gaar ahaan weerarada ka dhanka ah Maraakiibta ay leeyihiin gumeystaha Yahuuda iyo Mareykanka tan iyo markii uu bilowday dagaalka Gaza bishii Oktoobar 2023.

Beegsiga Al-Ghamari wuxuu qeyb ka yahay istiraatiijiyadda gumeystaha Yahuuda ee lagu doonayo in lagu wiiqo awoodda militari ee Xuutiyiinta, kuwaas oo si cad ugu dhawaaqay inay qeyb ka yihiin xulafada isbaheysiga difaaca Qaza. 

Tan iyo billowgii dagaalka Gaza, Xuutiyiintu waxay rideen gantaallo iyo drones ku wajahan dhulka ay xooga ku haystaan gumeystaha Yahuuda, waxayna fureen jiho cusub oo milatari oo culays weyn saartay Tel Aviv.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here