Taliyihii Danab ee Gobalka Galgaduud oo Galabta Lagu Dilay Dagaalkii Ka Dhacay Duleedka Abooreey.

11
0

Dagaallo culus oo maanta mar kale ka dhacay duleedka deegaanka Abooreey ayaa lagu jabiyay ciidamada dawladda fadaraalka, waxaana dagaaladan lagu dilay saraakiil sar-sare oo ka tirsanaa ciidamada Bangarafta ee Danab.

Asad Cismaan Faarax oo ahaa taliyihii ciidamada Danab ee gobalka Galgaduud ayaa galabta lagu khaarajiyay dagaaladii ka dhacay Abooreey, kaas oo kamid ahaa saraakiisha indhaha u ahaa ciidamada dawladda fadaraalka ee dagaalada kaga jira gobalada dhexe.

Taliyahan ayaa noqonaya kii labaad oo isbuuc gudihiis la khaarajiyo ayadoo dhawaan la dilay taliyihii u sareeyay ciidama 14 Octobar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here