Maxamed Saamir Jaabir oo ku magac dheera Abuu Shujaac ayaa lagu dilay dagaal ka dhacay Daanta Galbeed ee dalka Falastiin.
Abuu Shujaac ayaa ahaa wiil dhalinyaro ah oo katirsana kooxaha iska caabinta reer Falastiin.
Waxa uu ku dhashay sanadkii 1998, mukhayamka Nuur Shamsi waxa uu ka soo jeeda qoyska reer Jaabir oo ka soo haajiray magaalada gumeysiga ku jirta ee Xayfaa.
Abuu Shujaac ayaa ahaa 26 jir ka dhiidhiyay gumeysiga Yahuuda, qorigana u qaatay iska caabinta gumeystaha.
Sidoo kale Maxamed Saamir Jaabir ayaa galay xabsiyada gumeystaha Yahuuda asago jira 17sano waxa uu ku xirnaa xabsiyada gumeystaha muddo 5 sanadood ah.
Subaxnimadii hore ee maanta oo khamiis ah ayuu sheegtay gumeystaha Yahuuda in ay dileen hogaamiye Abuu Shujaac iyo 4 dagaal yahan oo la socotay.
“Wiilkayga waxa uu 5 sano ku xirnaa xabsiyada gumeystaha, markii la sii daayayna waxa uu aasaasay Guutada Tulkarm, hadii uu wiilkaygu shahiiday ma istaagi doono howlgallad iska caabinta.”
Ayuu yiri Samiir Jaabir oo ah Aabaha dhalay dagaal yahan Abuu Shujaac.
Warbaahinta gumeystaha Yahuuda ayaa ku tilmamay Abuu Shujaac hogaamiye geesi ah oo sabab u noqday in Daanta Galbeed ay ka dhismaan dhalinyaro hubeysan oo la dagaalama gumeystaha.
Kooxaha Iska caabinta reer Falastiin sida xarakada Xamaas ayaa sheegay in geerida Abuu Shujaac aysan hakim doonin iska caabunta hubaysan ee ka dhanka ah gumaystaha Yahuuda.