Warbaahinta dalka Maraykanka ayaa sheegtay, in tirada dadka ku dhintay duufaannada daadadka iyo dabaylaha ku dhuftay dalkaasi ay gaartay in ka badan 10 qof tan iyo Arbacadii.
Shabakadda ABC News ee kasoo baxda dalkaas ayaa sheegtay, in ugu yaraan 12 qof ay dhinteen tan iyo Arbacadii sababo la xiriira cimilada oo aad u daran.
Waxay intaas ku dartay, in daadad ku soo rogmaday mid kamida goballada dalkaasi uu ku dhintay ilmo 9 jir ahaa, halka wiil kale oo 5 jir ahaana uu u dhintay cimilo daran oo ka jirta gobalka Arkansas ee cariga Mareykanka, iyadoo dhowr qofna ay naftu kaga haaday Koonfurta-galbeed ee gobalka Tennessee sababo la xiriira duufaannada ku dhuftay dalkaas.
Goor sii horaysay, Adeegga Cimilada ee Mareyknak ayaa ku dhawaaqay, in halista duufaannada iyo dabaylaha laga soo calaamadeeyay sagaal gobal oo ka tirsan dalka Mareykanka, taas oo walaac horleh ku abuuraysa bulshooyinka ku nool goladaasi.
Mareykanka ayaa waxaa si joogta ah uga dhaca musiibooyin rabaaniga ah, oo ay kamid yihiin duufaannada, daadadka, dabka iyo shilalka, kuwaas oo galaafta noolasha dad aad u farabadan, khasaare hantiyadeedna gaysta, balse dowladdaas ku caanbaxday kibirka iyo santaagga waxba kuma qaadata Aayaadkan Rabaaniga ah.