Tiro Askar ah oo ku Dhaawacmay Qarax Ka Dhacay Saldhig Milatari oo uu Mareykanku Ku Leeyahay Waddanka Japan.

76
0

Warbaahinta dalka Japan ayaa maanta oo isniin ah sheegtay, in qarax uu ka dhacay saldhig ay ciidamada cirka ee Maraykanka ku leeyihiin koonfurta dalkaas, kaas oo sababay dhaawaca tiro askar ah.

Qaraxaan ayaa si gaar ah uga ka dhacay bakhaar rasaasta lagu kaydiyo oo ku yaalla gudaha saldhigga ciidamada cirka ee Mareykanka ee lagu magacaabo Kaadiina, kaas oo ku yaalla koonfurta Japan. Wakaaladda wararka ee Japan iyo mas’uuliyiin maxalli ah ayaa ku soo waramay, in qaraxaas uu sababay dhaawaca afar askari, iyagoona sheegay, inay socdaan baaritaanno ku aaddan dhacdadaan.

Saldhigga ciidamada cirka ee Mareykanka  ee Kaadiina ayaa ku yaalla jasiiradda Ukinawa ee koonfur-galbeed ee xeebaha Japan, waana hoyga inta badan xarumaha ciidamada Mareykanka ee Japan, iyadoo xarumaha ku dhexyaalla saldhigaas loo isticmaalaa in si ku meel gaar ah loogu keydiyo hubka aan qarxin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here