Tiro Dad ah oo ku Dhaawacantay Weerar loo Adeegsaday Toorrey oo ka Dhacay Dalka Holland.

28
0

Xoga dheeraad ah ayaa laga helayaa weerar loo adeegsaday toorrey oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay dalka Holland ee dhaca qaaradda Yurub.

Wararkan oo si gaar ah uga dhacay caasimadda dalkaas ee Amsterdam ayaa lagu soo waramayaa, in ruux aan la garanaynin haybtiisa uu toorrey ku weeraray dad marayay mid kamida waddooyinka caasimadda, isagoo halkaas ku dhaawac Shan qof.

Kooxaha gurmadka deg dega ah ee caasimadda ayaa ku soo yaacay goobta uu weerarku dhacay. Halka Diyaarad nooca qumaatiga u kaca ee Ambalaasta ah ay isla markiiba ku soo degtay goobta, si ay dadka dhaawaca ah ugu daabusho isbitaalada.

Booliska dalkaas ayaa sheegay, in ruux looga shakisan yahay inuu weerarkaas ka danbeeyay  gacanta lagu dhigay, kadibna xabsiga loo taxaabay.

Dhawaanahaan waxaa dalalka reer Galbeedka kusoo batay weerarrada caykaan oo kala ah, kuwaas oo sababay dhimasho, dhaawac iyo argagax, arintaan ayaana loo sababaynayaa gabood fallada ay dowlada reer Galbeedka ka geysanayaan caalamka Islaamka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here