Ciidamada Taageerada dagdagga ah ayaa duqaymo ku garaacay magaalada Al-Fasheer iyo xerada Abu-Shook ee kaabiga ku haysa magaaladaas, iyadoo ay wali socdan dadka kusii qulqulaya Al-Fasheer, kuwaas oo kasoo qaxaya dhanka xerooyinka Zamzam iyo Abu Shook.
Ilo-wareedyo maxalli ah oo ku sugan gobolka waqooyiga Darfur ayaa warbaahinta u sheegay, in ciidamada Taageerada degdegga ah ay duqeeyeen xerada Abu Shook iyo magaalada Al-Fasheer, waxaana dhimasho iyo dhaawac ku noqday tiro dad ah.
Ciidamada Dacmu sariic ee dagaalka looga tabar roonaaday ayaa maalmihii dambe waday duqaymo ay ka fulinayaan qaybo kala duwan oo ka tirsan dalkaas, guddiga magaalda Al-Fasher ayaana ku dhawaaqay, in tirada dadka ku wax-yeeloobay guud ahaan waqooyiga Darfur ee galbeedka Suudaan, ay kor u dhaaftay 320 isugu jira dhimasho iyo dhaawac.