Weerar toogasho ah oo khasaare badan geystay ayaa mar kale ka dhacday dalka Mareykanka, sida ay kusoo warameen warbaahinta dalkaas.
Weerarkan toogshada ah oo galabnimadii shalay si gaar ah uga dhacay magaalada Filadalfiyaa ee waddanka Mareykanka ayaa lagu dilay laba qof, halka lagu dhaawacay ugu yaraan sagaal kale, sida uu sheegay kanaal taabacsan shabakadda ABC Niyuus ee kasoo baxa dalkaas.
Ilo-wareedyo ka tirsan booliiska magaaladaas ayaa sheegay, in weerarkaan uu ka dhacay goob ay ku kulansanaayeen dad farabadan, iyagoo aanan tafaasiil dheeraad ah ka bixin qaabka uu weerarka u dhacay iyo cidda fulisay.
Si kastaba ha ahaatee weerarkan ayaa noqonaya kii saddaxaad oo ka dhaca gudaha Mareykanka Shan maalmood gudahood.