Tiro Tahriibayaal ah oo Lagasoo Saaray Badda Mediterraneanka Ayagoo Mayd ah, Halka kuwa kalana wali La’layahay.

18
0

Hay’adaha sheegtay inay udoodaan xuquuqda aadanaha ayaa sheegay in 40 qof oo tahriibayaal ah la la’yahay, lix meyd ahna la helay, kaddib markii ay la qalibmatay dooni ay ku safrayeen, taas oo ku degtay badda Mediterranean-ka, gaar ahaan jasiiradda Lampedusa ee dhacda xeebaha Talyaaniga. 

Doonida qalibantay ayaa kasoo shiraacatay xeebaha Tunisia maalinimadii Isniinta ee isbucan, iyadoo siday 56 qof oo u kala dhashay dalalka Ivory Coast, Mali, Gambia, iyo Cameroon.

Maamulka Talyaaniga ayaa dhankooda xaqiijiyay, inay badda kasoo saareen 10 qof oo tahriibayaal ahaa, kuwaas oo ay ku jiraan 6 rag ah iyo 4 dumar ah, sida ay sheegtay warbaahinta dalkaas. Dadka soo badbaaday ayaa sheegay in baddu ay kacsanayd xiliga ay qarqoomaysay doonida ay saarnaayeen, taas oo sababtay in dadka qaar la waayo.

Dhinaca kale, koox kale oo tahriibayaal ah oo ka kooban 40 qof, oo ka soo kicitimay magaalada Sfax ee dalka Tunisia, ayaa soo gaaray xeebaha Lampedusa. Wararka ayaa sidoo kale tilmaamaya in 213 qof oo kale oo tahriibayaal ah ay soo gaareen jasiiradda, taasoo tirada tahriibayaasha ay gacanta ku dhigeen laamaha amaanka Talyaniga ka dhigaysa 230 qof.

Labo maalmood kahor ayay ahayd markii sidan oo kale Ciidamada Tuunis  ay sheegeen in ay badbaadiyeen 612 qof oo tahriibayaal ahaa, kuwaas ka yimid dalalka Saxaraha ka hooseeya ee Afrika, inkasta oo ay badda ku kula qalibmeen doomihii ay ku safrayeen.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here