Tiro Tahriibayaal ah oo Lagu Dilay Iska Hor’imaad ay la Galeen Ciidamada Boqortooyada Urdun.

13
0

Ciidamada ilaalada xuduudaha ee boqortooyada Urdun ayaa sheegay, inay iska hor’imaad hubaysan la galeen kooxo tahriibayaal ah oo doonayay inay kasoo taalaban xad beenaadka uu dalkaas la wadaago Suuriya.

Bayaan kasoo baxay boqortooyada ayaa lagu sheegay, in dagaalkan lagu dilay tiro kamid ah tahriibayaashaas, ayadoona  lagu  qabtay tiro aad u badan oo isugu jirta daroogo iyo hub toos ah oo la tahriibinayay.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka kasoo baxay boqortooyada Urdun ayaa lagu yiri “Ciidamada Ilaalada Xuduuduhu waxay dagaallo la galeen kooxo hubaysan oo mukhalasiin ah oo isku dayay inay ka gudbaan xadka waqooyi ee ay Boqortooyadu la wadaagto Suuriya, iskahorimaadkan ayaa sababay in la dilay 4  tahriibayaal ah, halka intii kalena ay dib ugu noqdeen gudaha Suuriya.”

Ciidamada boqortooyada Urdun ayaa sheegay, in howlgalkaasi ay ku soo qabteen maandooriye iyo hub tiro badan, iyagoo intaa ku daray in agabka la qabtay lagu wareejiyay hay’adaha amaanka ee ay khuseyso.

Urdun iyo Suuriya ayaa bishii Janaayo ee la soo dhaafay ku heshiiyey inay sameeyaan guddi amni oo wadajir ah, si ay u sugaan xuduud beenaaadka ay labadaas dal wadaagaan, kana shaqeeyaan sidii looga hortagi lahaa soo noqoshada rabshadaha ay fulinayaan kooxaha burcadka ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here