Tobanaan Qof oo Dhimasho iyo Dhaawac Ku Noqdey Duqeymo Xooggan oo ay Iran ku Qaaday Kayyaanka Yahuudda.

22
0

Ciidamada Yahuudda ayaa maanta sheegay, in duqeymo cusub oo loo adeegsaday daraasiin gantaallo balaastiik ah ay  Iiraan ku garaacday gooba kala duwan oo ka tirsan gudaha Yahuudda, kuwaas oo sababay khasaare lixaad leh oo isugu jira naf iyo maalba.

Duqemahan oo intooda badan beegsaday magaalada Talla’biib ee uu caasimadda ka dhigtay kayyaanka Yahuudda iyo nawaaxigeeda ayaa sababay, dhimashada 3 qof iyo dhaawaca in ka badan 90 qof, sida ay sheegeen warbaahinta Yahuudda oo caan ku ah qarinta macluumaadka rasmiga ah.

Kanaalka 13 ee Yahuudda ayaa sheegay, in burbur aan horay loo arkin ay duqeymahaasi u geysteen qaybo kamida magaalada Talla’biib, isagoo intaasi ku daray kanaal Yahuudda, in tobanaan dhismayaal iyo baabuur ah ay ku waxyeeloobeen gantaalada Iiraan.

Sidoo kale, Wargeyska Haartis ee kasoo baxa gudaha Yahuudda ayaa sheegay, in dhisme ka kooban 32 dabaq oo ku yaalla magaalada Talla’biib ay waxyeello u geysteen gantaallada Iiraan, taas oo keentay, in la daadgureeyo Saddax Boqol oo Yahuud ah oo guryahoodii ay waxyeello u geysteen duqeymahaas.

Wargeyskan cibriga ah ayaa intaasi ku daray, in gantaalada Iiraan ay gabi ahaanba burburiyeen sagaal dhismo oo ku yaallay mandiqda Ramaat Ghaan oo ka tirsan magaalada Talla’biib, halka boqolaal dhismo ay waxyeelo soo gaartay.

Gadoomiyaha mandiqadda Ramaat Ghaan ayaa saxaafadda u sheegay, in Boqol qof ay noqdeen hoy la’aan, sababo la xiriira weerarrada Iiraan.

Arintaan ayaa imaanayso, iyadoo mas’uuliyiinta Iiraan ay hanjabaado culus hawada u marinayaan kayyaan Yahuudda, iyagoona sheegay, inay kuwani yihiin bilow oo kaliya. Goor soo horaysay wakaaladda wararka ee Roytaris ayaa soo xigatay sarkaal sare oo Iiraan ka tirsan oo ku doodinaya, in aysan jiri doonin meel ammaan ah oo sdulka ay Yahuudda xoogga ku haysata ka tirsan, jawaabta Tehranna ay noqon doonto mid xanuun badan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here