Wararka ka imaanaya dalka Maraykanka ayaa ku waramaya, in gobalka Masajusetis ee dalkaas uu ka kacay dab xooggan, kaas oo sababay dhimashada iyo dhaawaca tobanaan qof oo ku sugnaa dhismaha uu dabku qabsaday.
Inta la xaqiijiyay waxaa dabkan ku naf-waayay ugu yaraan 9 qof, halka tobaneeyo kale la dhigay xarumaha caafimaadka, kuwaas oo qabay dhaawacyo kala duwan, kaddib markii uu dab xooggan ka kacay xarun daryeel oo ku taalla magaalada Fool Riifa.
Dabka ayaa qarxay fiidnimadii Axadda, xilli ay saacaddu ku beegnayd Sagaalkii iyo qadar Konton daqiiqo ah, isla markaana waxaa dabintiisa lagu gulaysatay saaka waa barigii hore, waxaana goobta gaaray illaa 50 dab-demis ah. Dhismaha ayaa hoy u ahaa illaa 70 qof, kuwaas oo u badnaa dad waayeello ah.
Musiibooyinka rabbaaniga ah ayaa dalka Maraykanka caadi ka noqoday, iyada oo hal xili uu gobalada qaar hareeyo baraf xad-dhaaf ah iyo fatahaado galaafta nolosha boqolaal qof, halka gobalada qaar ay la ildaran yihiin saamaynta dab xooggan oo ka kaca heer kulka dalka Maraykanka oo kor u dhaafa mararka qaar 40 Dhigrii.