Tobanaan Qof oo ku Dhintay Shil Gaari oo ka Dhacay Koonfurta Dalka Mexico.

24
0

Shil baabuur ayaa subaxnimadii Sabtida ka dhacay gobolka Tabasco ee koonfurta dalka Mexico, kaas oo sababay dhimashada tobaneeyo qof oo la socday gaari bas ah oo ku dhacay gaari xamuul ah.

Dawladda hoose ee gobolka Tabasco ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay, in shilkan ay ku dhinteen 41 qof, iyada oo intaas ku dartay in hawsha soo kabashadu ay wali ka socoto goobtii uu shilku ka dhacay.

Baska oo ay la socdeen 48-qof ayaa ku dhacay gaari xamuul ah, waxaana ku dhintay 38-qof oo ahaa rakaabkii la socday gaariga shilka galay iyo Sadex ka mid ah darawalladii gaariga wadayay  iyo qof kale oo kaaliye u ahaa.

Sawirada ay baahisay wakaalada wararka ee Reuters oo lagasoo qaaday goobta uu shilku ka dhacay ayaa muujinaya baska oo gabi ahaanba gubtay kadib markii uu qabsaday holaca dab kacay isku dhaca labada gaari.

Shilalka gawaarida iyo diyaaradaha ayaa kusoo badanaya dalalka reer galbeedka ee isku garab sanaya la dagaalanka Islaamka iyo ehelkiisa, iyadoo todobaadyadii ugu damabysay ay dhaceen ku dhawaad toban shil oo ay sababeen diyaarado iyo gawaari xamuul ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here