Tobanaan Qof oo Lagu Dilay Laguna Dhaawacay Duqeyn uu Ruushka ka Gaystay Magaalo Dhacda Soohdinta uu la Wadaago Dalka Ukraine.

10
0

Tobaneeyo qof ayaa lagu dilay laguna dhaawacay maanta weerar gantaalo ah oo uu Ruushku ku garaacay magaalada Sumy ee ku taalla waqooyi bari dalka Ukraine, iyadoo ay wali halkooda kasii socdaan weerarrada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee ay is waydaarsanayaan labada dhinac.

Ciidamada difaaca madaniga ah ee Ukraine ayaa sheegay, in weerarka Ruushka uu sababay dhimashada 21 qof iyo dhaawaca 20 kale. Duqa magaalada Sumy oo 50 kiiloomitir u jirta soohdinta Ruushku uu la wadaago Ukraine ayaa sidoo kale xaqiijiyay in ugu yaraan 20 qof ay ku dhinteen gantaalka Ruushka ee ku soo dhacay magaaladiisa.

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa dhankiisa xaqiijiyay, in tobanaan qof oo rayid ah ay ku dhinteen kuna dhaawacmeen gantaal ballistic ah oo uu Ruushku kusoo weeraray magaalada Sumy.

Weerarkan ayaa imaanaya iyadoo wali uu halkiisa kasii socdo duqaymaha xooggan ee ay dhawladahani is dhaafsanayaan, waxayna labada dhinac hawada isku marinayaa masuuliyada weerarro lagu beegsaday xarumaha tamarta iyo kaabayaasha dadwaynaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here