Booliiska dalka Bakistaan ayaa shaaca ka qaaday, in inka badan Labo Boqol oo maxbuus ay ka baxsadeen xabsi ku yaalla magaalada Karaaji ee koonfurta Bakistaan, kadib markii loo ogolaaday maxaabiistaas inay ka baxaan qolalka jeelalka, sababo la xiriira dhulgariirro isdaba joog ah oo ku dhuftay waddankaas.
Mi kamida mas’uuliyiinta gobalka Sindi oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay, in boqolaal maxaabiis ah loo ogolaaday inay u baxaan barxadda xabsiga dhulgariirrada awgood, kadibna ay adkaatay in la wada xakameeyo maxaabiistaas, kuwaas oo uu sheegay inay gaarayeen Kun maxbuus.
Dhankooda, booliska Bakistaan ayaa sheegay, in maxaabiista ay hub ka furteen ilaalada xabsiga, taasoo keentay in israsaasayn ay dhacdo, kadibna ay maxaabiista xoog kujiraan albaabka weyn ee jeelka, iyadoo taliyaha booliiska ee gobolka Sindi uu sheegay, in israsaasayntaasi ay sababtay dhimashada ugu yaraan hal qof oo maxbuus ah iyo dhaawaca saddex ka mid ah shaqaalaha xabsiga.
Mas’uuliyiin dalkaas ayaa sheegay, in maxaabiistaan ay yihiin cadadkii ugu badnaa ee ka baxsado xabsi ku yaalla wadanka Bakistaan inta lagu hayo taariikhda, iyagoona xusay, in inta badan maxaabiista ay xabsiga ku mutaysteen dambiyo fudud sida balwadda.