Tobaneeyo Qof oo ku Dhintay Shil Bas oo ka Dhacay Dalka Guatemala ee Dhaca Qaarada Laatiin Amerika.

36
0

Shil baabuur ayaa dhacay shalay Isniintii kaddib markii bas uu ku dhacay tog ku yaalla waqooyiga dalka Guatemala ee  dhaca qaarada Laatiin Ameerika, sida ay sheegeen saraakiisha gurmadka ee dalkaas.

Shilkan ayaa sababay dhimashada  55 qof oo saarnaa gaariga shilka galay, waxaana kooxaha caafimaadka oo goobta tagay ay sheegeen, in dadkii ku dhawacmay shilka loola cararay xarumaha caafimaadka ee dalkaas.

Dabdamiska dowladda hoose ayaa sheegay, in 53 meyd ah laga soo saaray burburka baska oo ay saarnaayeen in ka badan 70 qof, kaddib markii uu ka dhacay buundada webiga.

Victor Gomez, oo ah afhayeen u hadlay dab-demiska iskaa wax u qabso ah ee ka qayb qaatay dadaallada samatabbixinta, ayaa xaqiijiyay inay jiraan 53 mayd oo ku jira qolka meydka.

Shaqaalaha gurmadka ayaa ku guuleystay inay soo saaraan toban qof oo dhaawac ah oo loo qaaday isbitaallada, balse laba ka mid ah ayaa durba dhintay, taasoo tirada dhimashada ka dhigaysa 55 qof.

Dab damiska ayaa sheegay, in darawalka uu lumiyay xakameynta baska, islamarkaana uu ku dhacay tiro gaadiid ah oo yar yar ka hor inta uusan ka dhicin buundada, shilkan ayaa noqonaya kii ugu xumaa oo mudo sanooyin ah ka dhaca qaarada Laatiin Ameerika.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here