Dibadbaxayaal aad u caraysan oo banaanbaxyo waa wayn ka dhigay magaalada Nayroobi ee dalka Kenya.
Mudaahaaradka ayaa looga soo horjeeday tacadiyada ay wadaan ciidamada Kenya ee ka dhanka ah shacabka Kenya.
Inta uu socday banaanbaxa, booliiska Kenya ayaa shacabka u adeegsaday sunta dadka ka ilmeysiisa.
Dadka banaanbaxa qaybta ka ahaa ayaa ka cabanaayay mowjado cusub oo afduub ah oo dalkaasi ka dhaliyey cabsi xooggan.
Dhanka kale, ciidamada amaanka Kenya ayaa xirxiray tobaneeyo ka mid ah dadkii banaanbaxayay, sida uu sheegay wariye ka tirsan wakaaladda wararka ee France-Presse.
Hay’adaha xuquuqul insaanka ayaa soo sheegay tobanaan qof oo lagu la’yahay gudaha Kenya tan iyo intii ay socdeen ololihii rabshadaha watay ee booliska ay ku caburinayeen mudaaharaadyadii dowladda looga soo horjeeday bilihii June iyo July, taasoo sababtay dhimashada in ka badan 60 qof.