Ciidamada Yahuudda ayaa shalay iyo subaxnimadii maanta sii xoojiyay duqeymaha ay ku hayaan marinka Gaza, ilo-wareedyo dhanka caafimaadka ah ayaa u sheegay warbaahinta, in 52 falastiiniyiin ah ay ku shahiideen duqeymaha ay Yahuudda kawadda marinka tan iyo subaxnimadii Talaadada.
Duqeymaha Sahaayinada ayaa diiradda saarayay dhowr goobood oo ku yaalla magaalada Khan Yuunis ee Koonfurta Marinka Gaza, halkaasoo ay ku shahiideen 18 falastiiniyiin ah oo kala bar ay carruur ahaayeen.
Diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ee Sahaayinada ayaa duqeysay teendho ay ku noolaayeen dad barakacayaal ah oo ku taalla deegaanka Al-Mawasi waxaana ku shahiiday qof dumar ah iyo shan caruur ah, halka qaar kalana ay ku dhaawacmeen, muuqaallo laga soo duubay goobta ayaa muujinayay dab ka kacay teendhooyinkaas, iyadoo dadka deegaanka ay isku dayayeen inay damiyaan.
Afar qof ayaa sidoo kale ku shahiiday weerar xagga cirka ah oo lala beegsaday baabuur ay saarnaayeen dad rayid ah oo marayay xaafadda Al-Manara oo Koonfur-Bari ka xigta Khan Yuunis. Sidoo kale sagaal Falastiiniyiin ah ayaa ku shahiiday Labo duqeymo oo lala beegsaday Labo guri oo ku yaalla xerada Khan Yuunis iyo deegaanka Qizan Rashwaan ee Koonfurta magaaladaas.
Wariyaha Aljazeera ayaa soo sheegay, in 5 falastiiniyiin ah ay ku shahiideen, halka tiro kalana ay ku dhaawacmeen, kaddib duqeyn ay diyaaradaha Sahaayinada ku qaadeen guri ku yaalla xaafada Zeitoun ee koonfurta magaalada Gaza.
Xerada Al-Shati ee Galbeedka magaalada Gaza, ayaa waxaa ku shahiiday 5 falastiiniyiin ah, kuwa kalana waa ay ku dhaawacmeen, kaddib markii ciidamada gumeysiga Yahuudda ay shalay beegsadeen guri ku yaalla xeradaas, iyadoo dad goob joogayaal ah ay sheegeen, in burbur uu soo gaaray guryo badan oo ku dhagan guriga la beegsaday, taasoo tirada dhaawacyada ka dhigayso Tobannaan.