Todobo Qisso Oo La Yaab Leh Oo Ku Saabsan Xuduudaha Dalalka Afrika.[Warbixin].

48
0

Laga soo bilaabo xudduudaha jeexan illaa xariiqyada toosan iyo waddamo aan bad lahayn, khariidadda Afrika waxay daaha ka qaadaysaa sheekooyin xiiso leh oo mid kasta salka ku haya xuduudaheeda.

Afrika waa qaaradda ugu dawladaha badan, waxayna leedahay 54 wadan,Laakiinse qaar badan oo ka mid ah xudduudaheeda ayaa u muuqda kuwo aan dabiici ahayn, iyagoo raacaya khadadka toosan ee meelaha qaarkood iyo kuwa qaloocan ee meelaha kale, kuwaas oo ay kala gooyaan buuraha, webiyada iyo xitaa meelaha ay dagan yihiin bulshooyinka.

Inta badan xudduudahani waxay ka soo bilawdeen shirkii Berlin ee 1884 illaa 1885, halkaas oo qaaradda loo qaybiyay quwadaha Yurub iyada oo aan waddan Afrikaan ah ka qaybgelin heshiiskan.

Warbixintani, waxay soo bandhigaysaa qaar ka mid ah sheekooyinka ama qisooyinka ka dambeeya xuduudahan yaabka leh.

Qisada ugu horaysa ayaa ah, waa maxay sababta dawladaha Masar iyo Suudaan midna uusan u rabin mandiqada Bir Tawil? Waqooyi-bari ee qaaradda Afrika, waxa jira dhul qalalan oo dhan 2 kun oo kiiloomitir oo laba jibaaran, kaas oo ah dhul aan la degganayn oo aanay lahaanshihiisa sheeganin Masar iyo Suudaan midkoodna. Sannadkii 1899-kii, Ingiriisku wuxuu xariiqay waxa uu ugu yeeray xuduud toos ah oo kala qaybisa Masar iyo Suudaan, oo markaas ahaa labogoobood oo uu Ingiriisku maamulayay.

Laakiin 1902dii, Ingriisku waxa uu mandiqada Saddex Xagalka Xala’ib ku daray Suudaan, halka mandiqada Bir Tawilna uu ku daray Masar isagoo u fiirinaya arrimo juqraafi iyo mid maamul. Xornimadii labada dal kadib, mid kastaa wuxuu ku adkaystay sheegashadiisa xudduudaha sida ku cad heshiiskii 1899 ama 1902, iyada oo mandiqada Bir Tawil labada dhinac midna uusan aqoonsanayn. In kasta oo Masar ay gacanta ku haysay Saddex-xagalka Xala’ib tan iyo sannadkii 2000, halkaas oo illaa iyo hadda uu weli ka jira khilaaf.

Geesta kale, Gambia waa dalka ugu yar dhul weynaha Afrika, waxa uu ku yaallaadhul ciriiri ah oo ku wareegsan wabiga Gambia, ku dhawaadna waxaa ku hareeraysan dalka Senegal. Xiriirka Gambia ay la samaysato caalamka waxa uu bilawday markii uu Boortaqiisku sahmiyey qarnigii 15aad, kadibna waxa ay noqotay xarun weyn oo lagaga ganacsado addoonsiga Bani Aadamka. Waxay xornimada qaadatay 1965kii.

Sannadkii 1889-kii, Ingiriiska iyo Faransiisku waxay ku heshiiyeen xudduudaha Gambia, iyada oo xukunka Ingiriisku uu ku fidiyay illaa 16 kiiloomitir oo ah labada dhinac ee webiga, iyaga oo gaaray meelaha ugu wanaagsan ee laga kaluumaysto.

Diiwaannada taariikhiga ahi waxay muujinayaan in guddi ka kala socday Ingiriiska iyo Faransiis ay isku dayeen 1891-kii inay hagaajiyaan xuduudaha, laakiin waxay la kulmeen iska caabin ka timid xukaamtii maxalliga ahaa ee kasoo horjeeday in dhulkooda la kala qaybiyo.

Qisooyinka la yaabka leh ee la iswaydiinaya ayaa waxa kamida, Waa maxay sababta Cabinda uga tirsan tahay Angola? Xeebta galbeed ee qaarada, waxaa ku yaalla gobol yar oo lagu magacaabo Cabinda, oo ka tirsan Angola in kasta oo ay ka go’day dalka intiisa kale, hadana waxa ay ku taallaa dhul ciriiri ah oo ka tirsan Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Kongo.

Cabinda waxa ay ka mid noqotay Angola go’aamadii uu Portugal gaaray xilligii gumaysiga, intii lagu guda jiray shirkii Berlin ee 1884 illaa 1885, quwadaha reer Yurub waxay Cabinda u aqoonsadeen dhul uu gumaysto Boortaqiis ka gooyay Angola, inkastoo labada dhulba ay ku hoos jireen xukunka Boortaqiiska. Muddo kadib, Boortaqiiska maamul ahaan waxa uu Cabinda hoosgeeyay Angola, laakiin gobolku wuxuu ahaa mid juqraafi ahaan iyo dhaqan ahaan kala duwan.

Markii Portugal ay ka baxday Afrika 1975-kii, reer Cabinda waxaa laga saaray heshiiskii Alvor ee ay la saxiixdeen kooxaha xoreynta Angola. Laakiin kaydka saliideed ee qiimaha leh awgeed, reer Cabinda waxa ay ku milmeen Angola, taas oo ka dhalatay iska caabin ka timid dhaqdhaqaaqa madaxbannaanida Cabinda, gaar ahaan Jabhadda Xoraynta Deegaanka Cabinda, oo dalbanaysa madaxbannaanida gobolka.

Markaad fiiriso Koonfurta Afrika, waxaa laga yaabaa inaad aragto meel ciriiri ah oo ka soo muuqanaysa dalka Namibia.

Illaa horraantii qarnigii 20-aad, Jarmalku waxa uu xukumayay Koonfur-Galbeed Afrika (oo hadda loo yaqaan Namibia) iyo Bariga Afrika (oo ay ku jiraan Tansaaniya, Ruwaanda, iyo Burundi), halka Ingiriisku uu ka talinayay dhulalka ku xeeran, oo ay ku jiraan Botswana iyo Zambia.

Jarmalku waxa uu raadinayey waddo ganacsi oo toos ah oo uu ku tago dhulalkiisa, waxana uu doonayey in uu galo webiga Zambezi. Qorshuhu wuxuu ahaa in la maro wabiga illaa badweynta Hindiya, taasoo marin gaaban u ah Tanzania.

Sannadkii 1890-kii, Jarmalka iyo Ingiriiska ayaa saxiixay heshiis uu Jarmalku kagatanaasulayay sheegashada dalka Zanzibar, si uu ugu beddesho jasiiradda Heligoland ee ku taalla dalka Jarmalka.

Si kastaba ha ahaatee, qorshihii Jarmalka ayaa kusoo idlaaday fashil. Wakhtigaas Jarmalka ayaan wax xoga ka haynin jiritaanka harada Victoria Falls, oo ah mid ka mid ah biyo-dhacyada ugu waaweyn adduunka oo dhererkeedu yahay 108 mitir oo qiyaastii 65 kiiloomitir bari kaga beegan xuduudka Zambia.

Dalka Lesotho ayaa isna kamida dalal dhaca buuralayda Koonfur Afrika, waana wadan yar oo aan bad lahayn, kaas oo ku dhex yaalla dalka Koonfur Afrika.

Qarnigii 19-aad, dalka Basotho, oo uu hogaaminayey Boqor-kii koowaad ayaa waxay buuraleyda dalkaas ka dhisteen difaacyo adag oo ay kaga gaashamanayeen duulaanadii kaga imaanayay qabiilada Zulu-ga iyo Boers-ka.

Madaxwaynaha wakhtigaas talada dalkaas hayay Moshoeshoe ayaa gurmad wayadiistay boqortooyadii Ingriiska sanadkii 1868-kii, isaga oo ku dhawaaqay in dalkiisa laga dhigo maxmiyad hoos tagta boqortooyadii Ingiriiska.

Hase ahaatee Isku daygii lagu doonayay in lagu hoos geeyo xukunkii Ingriiska ayaa lagu guul daraystay, taas oo ay sabab u ahayd iska caabinta dadka kasoo jeeda dalka Basotho, balse Britain ayaa ku dhawaaqday Basotho  inay tahay qayb kamida Boqortooyada Ingiriiska.

Markii la aasaasay Midowga Koonfur Afrika sanadkii 1910-kii, Basotho waxay ku sii hoos jirtay gumeysigii Ingiriiska, taas oo u muuqatay inay ka fogaatay siyaasadda Koonfur Afrika ee midab-takoorka ku salaysnayd, Kadibna waxay xornimada qaadatay sanadkii 1966-kii iyadoo la magac baxday Lesotho.

Geesta kale, Maxay tahay sababta 3 dal oo Afrikaan ah loogu yeero Guinea? waddamadan oo ku yaalla xeebaha galbeedka Afrika ayaa magacyadooda waxaa laisku dhahaa “Guinea”.

Dalka haatan loo yaqaano Guinea ayaa horay loo oran jiray French Guinea, wuxuuna xornimada qaadatay sanadkii 1958-kii.

Guinea-Bissau ayaa isna horay loo oran jiray Portuguese Guinea, wuxuunaxornimada qaadatay sanadkii 1974kii.

Halka dalka Equatorial Guinea isna horay loo oran jiray magaca Isbaanish Guinea, wuxuuna xornimada qaatay sanadkii 1968-kii, iyada oo markan la baxday magaca Equatorial Guinea, taas oo ka turjumaysa inuu dalkani u dhow yahay dhulbaraha caalamka ee dalkaas mara.

Dhinaca kale, waxaa jira dal kale oo lagu magacaabo Papua New Guinea, kaas oo ku yaalla koonfur galbeed badda Basifiga, waxaana magacan bixiyay sahmiye Isbaanish ah oo rumaysnaa in dadka degan dhulkan ay la mid yihiin kuwa dagan Guinea ee Galbeedka Afrika.

Magaca “Guinea” waxaa la rumeysan yahay inuu ka yimid erey Boortoqiis ah oo la yirahdo “Guine”, kaas oo tilmaamaya gobolka xeebta ee galbeedka Afrika. Kaddib Markii ay gumaystayaashii reer Yurub kala qaybiyeen dalalkan, mid kasta oo iyaga ka mid ah waxa uu u bixiyey magaca Guinea, isagoo u raacinaya magic kale.

Qaarada Afrika waxaa sidoo kale ku yaalla Labo wadan oo wadaaga magaca Koongo, kuwaas oo kala ah Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Kongo iyo Jamhuuriyadda Kongo.

Magaca Kongo wuxuu ka yimid Boqortooyadii Kongo, oo ahayd boqortooyo ka talin jirtay labadan dal, waxaana kala qaybiyay gumaystayaashii kala ahaa Biljimka iyo Faransiiska oo dalalkan mudo dheer gumaysi ku hayay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here