Dalka Iswiidhan ee ka tirsan dawladaha qaaradda Yurub ayaa xalay fiidkii lagasoo diwaan galiyay fal toogasho ah oo dad lagu dilay, taas oo ka dhacday goob tima-jare ah oo ku taalla magaalada Awbisaala ee dhacda waqooyiga caaismada dalkaas ee Istook-holom.
Dhacdadan ayaa sababtay dhimashada illaa 3 qof, iyadoo aan illaayo hada la cadayn shakhsiga sida gaar ah uga dambeeyay falkan, inkastoo laamaha amaanka ee magaaladaas ay xireen xarumaha laga raaco tareenada, si uusan u baxsan shakhsiga fal gaystay.
Waxaa xusid mudan in dhacdo tan la mid ah ay dhacday bishii Febraayo ee la soo dhaafay, markaas oo 10 qof lagu dilay toogasho ka dhacday xarun waxbarasho oo ku taalla magaalada Uriibaruu ee dalka Sweden.