Hal qof oo ka mid tahay Yahuuda xoogga ku haysta dalka Falastiin ayaa la dilay mid kalena waa lagu dhaawacay, weerar toogasho ah oo maanta oo Axad ah ka dhacday wadada 90-aad ee deegaanka Al-Aghwar ee Daanta Galbeed.
Ilaha caafimaadka ee gumeystaha Yahuuda ayaa xaqiijiyay in mid ka mid ah dadka ku dhaawacmay weerarka kaligii duulnimada ah uu u dhintay dhaawac halis ah oo ka soo gaaray weerarka.
Wararka ayaa intaasi ku daraaya in halyeeygii dilka geystay uu goobta isaga baxsaday.
Gumeystaha Yahuuda ayaa la kulmaaya weeraro kaligii duulnimo ah oo ka dhan ah gumeysiga ay ku haayaan dalka Falastiin.